SOMCABLE

Khasaare Baaxad Leh Oo Soo Gaadhay Hantida Donald Trump & Sababta Keentay

Washington, 09 May, 2019 (Himilo)-Xogta ku saabsan cashuurta Madaxweyne Donald Trump ayaa muujisay inuu muddo 10 sano gudahood ah ku lumiyey lacag dhan $1.17 bilyan oo doolar, sida lagu xusay warbixin ay wakaaladda wararka ee AFP kasoo xigatay wargeyska New York Times.

Khasaaraha la qeexay inuu ku yimid hantida Trump oo billowday 1980-meeyadii ayaa ka weyn mid walba oo soo maray guud ahaan shakhsiyaadka cashuurta bixiya ee dalka Mareykanka.

Warbixinta ayaa sidoo kale muujisay in Trump aanu cashuurta dakhliga usoo xarooday bixinin sideed sanadood oo ka mid ah 10-ka sano ee khasaarahaas uu ku yimid.

Warqadihii cashuur celinta ee uu Trump u gudbiyey waaxda federaalka sannadkii 1985-kii ayaa muujiyay inuu ku xusay khasaare dhan $46.1 milyan oo doolar, kuwaasoo ka soo gaadhay ganacsiyadiisa kala duwan ee isugu jira hoteellada iyo dhismeyaasha.

10-kii sano ee xigtay ayuu khasaaraha sii socday wuxuuna sannadkii 1994-kii gaadhay isku darka $1.17 bilyan oo doolar.

Warbixintan ayaa timid hal maalin kadib markii xoghayaha maaliyadda ee Mareykanka Steven Mnuchin uu ku gacan seydhay dallab ay xildhibaannada xisbiga Dimuqraaddiga ku doonayeen in lagu soo wareejiyo warqadaha cashuur celinta ee Donald Trump.

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

 

Leave a Reply