SOMCABLE

Khariidada Adduunka Oo Waddamo Dhawr Ahi Ka Maqan Yihiin Oo Iib Ah Oo Lagu Soo Bandhigay Dalalka Yurub !

Shirkad laga leeyahay Dalka Sweden isla markaana soo saarta Qalabka Guryaha ayaa waxay dhawaan soo saartay Khariidada Caalamka oo iib ah.

Khariidadan ay shirkadaasi iibka u soo bandhigtay ayaa la sheegay inay qaldan tahay isla markaana dalalka qaar aanay ka dhex muuqanin.

Qaladka ugu weyn ee khariidada shirkadaasi ay soo saartay dhaliisha ku noqday ayaa ah in gabi ahaan Dalka NewZealand aanu ka dhex muuqanin khariidadaasi, waxa kale oo shirkadaasi lagu dhaliilay in mid ka mid ah laamaheeda ku yaalla Dalka Maraykanka ay qaladkaasi soo saareen isla markaana xafiiskeeda ugu weyn ee ku yaalla Dalka Sweden aanu waxba ka ogeyn qaladkaasi.

Arrinta kale ee aadka u layaabka badan ayaa waxay tahay in shirkadani IKEA ay haatan ku hawlan tahay sidii ay laan cusub uga furan laheyd Dalka NewZealand, Haweenayda Ra’iisala wasaaraha ka ah Dalkaasi ayaa marar dhawr ah isku dayday inay qaladkaasi xal u hesho, balse ilaa iyo haatan ma jiro wax xal ah oo arrintaasi laga gaadhay.

Dhinaca kale, khariidadaasi ayaa ah mid baahday waana sababta keentay in xukuumadda Newzealand ay ka hadasho.

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

Leave a Reply