SOMCABLE

Kenyaan Ay Kooxda Al-shabaab Tababbaraysay Oo Isku Dhiibay Milletariga Dalkooda

Kenya (Himilo) – 13 dhalinyaro Kenyaan ah oo Kooxda Al-shabaab Tababbarro ku siinaysay deegaanka Raas-kambooni ee Gobolka Jubbada Hoose ee Soomaaliya, ayaa isku dhiibay Ciidammada Miletariga Kenya ee ku sugan gudaha Dalka Kenya.

Dhalinyaradan oo markii horeba ka tagay dalka Kenya ayaa si hoose xidhiidh ula soo sameeyay ciidamada dalka Kenya ee ku sugan gobolka Jubbada Hoose, waxaana raggan ugu dambeyn loo duuliyay gobolka xeebta ee Kenya.

Raggan oo da’dooda ay u dhaxeysay 18 ilaa 34 jir ayaa ururka Al-shabaab waxaa ay tababaro ku siinayeen degaanka Raas Kambooni oo ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose si ay iyaga uga garab dagaalamaan.

Labo ka mid ah dhalinyarada la soo badbaadiyay ayaa ka soo jeeda deegaanka Bargoni oo ku yaal gobolka Lamu halka 11ka kalena ka kala yimaaddeen Msumarini, Gongoni, iyo Marereni oo isla Kenya ah.

“Laamaha ammaanka ayaa xog wareysi ka qaadaya dhalinyarada, sidoo kale waxay ogaanayaan talo bixinta la siin karo, tiro badan oo dhalinyaro ah kuna biiray Al-shabaab ayaa dalka dib ugu soo laabanaya, waxaan balan qaadeynaa inaan waxba la yeeli doonin Dhalinyaradan.” ayuu yidhi Afhayeen u hadlay ciidamada Booliska Kenya.

Dhallinyarada baxsaday

Dhalinyaradan ayaa waxa ay sheegeen Soomaaliya in ay ka soo galeen deegaanka Kayunga, iyaga oo isticmaalayay Doonyo ka dib markii bay yidhaahdeen Al-shabaab u ballan-qaadeen inay lacag siin doonaan, balse markii ay Al-shabaab gaadheen si khasab ah loogu bilaabay Tababbar Ciidan oo ay sheegeen inuu aad u adkaa.

Himilomedia.com/Hargeisa Office

 

Leave a Reply