SOMCABLE

Kenya Oo Shidaal Dalkeeda Ay Ka Soo Saartay Dhoofisay & Heerka Keydka Ay Leedahay

Kenya, 27 August, 2019 (Himilo)-Dalka Kenya ayaa markii ugu horreysay dhoofiyey Shidaal Qaydhiin oo uu soo saaray.

Tallaabadan oo uu goob joog ka ahaa Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa aheyd mid lagu tijaabinayo ganacsiga dhoofinta shidaalka ee ay Kenya dooneyso inay si rasmi ah u billowdo sanadka 2024-ka.

Shirkad laga leeyahay Shiinaha, oo uu fadhigeedu yahay dalka Ingiriiska ayaa ku guuleystay qandaraaskan, waxaana maanta la dhoofiyay shidaal dhan 240,000 barmiil.

Xukumadda Nairobi ayaa fileysa inay labada sano ee soo socota shidaalkan ka hesho lacag dhan $84 malyan oo doolar.

Waxa la qiyaasay in keydka shidaalka ee Kenya ku jira uu gaadhayo ilaa 560 milyan oo barmiil.

Khubarada ayaa sheegaya in marka la gaadho sanadka 2022-ka uu waddanka Kenya maalin walba soo saari karo shidaal xaddigiisu dhan yahay 100,000 oo barmiil.

Mashruucan ayaa loo arkaa mid muhiim ah oo Kenya u horseedi kara dhaqaale fara badan, balse xaddiga shidaalka ee uu dhoofinayo waddankan ku yaalla bariga Afrika ayaa aad u yar marka la barbar dhigo waddamada saliidda qaniga ku ah.

Ugu dambeyntii, Kenya ahmiyad weyn ayuu u leeyahay soo saarista Shidaalka ee ay sida rasmiga ugu guuleysatay shalay isla markaana ay dhoofintiisa billowday.

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

Leave a Reply