SOMCABLE

Kaneeco Gallaaftay Socodka Iyo Dhaqdhaqaaqa Nin U Dhashay Dalka Pakistan !

Waxa jira cuduro badan oo saameeya caafimaadka qofka, nin u dhashay Dalka Pakistan ayaa waxa ku dhacay cudur aad u layaab badan oo loo yaqaano Cudurka Maroodiga.

Ninkan ayaa ugu horreyn waxa uu cudurkani ka qaaday kaneeco qaniintay muddo 5 sano ka hor ah, sida lagu baahiyey Wargeyska Daily Mail oo uu Wargeyska Himilo ka soo xigtay. Haddaba, Shahiid Xuseen oo ah nin u dhashay Dalka Pakistan kuna nool Gobolka Sindh ee dalkaasi ayaa sanadood ka hor ay aheyd markii uu dareemay in caguhu barrarayaan waxaanu dareemi jiray xanuun xad dhaaf ah oo ahaa mid si joogto ah u hayn jiray.

Shahiid ayaa ugu horreyntii ka gaabiyey inuu dhakhtar u tego, balse markii xanuunkii iyo barrarkii ba ku bateen ayaa waxa uu u tegay dhakhtar waxaanay u sheegeen in aanay waxba ka qaban karin xanuunkaasi.

Xanuunkiisa ayey dhakhaatiirtu ku tilmaameen Xanuunka Maroodiga waxaanu xanuunkaasi goobta ka mid ah jidhka ee uu ku dhaco uu ku sameeyaa barrar xad dhaaf ah.

Sidoo kale, Dhakhaatiirta gobolkaasi waxay Shahiid u sheegeen in aanay waxba ka qaban karin ee ay kula talinayaan inuu u safro Caasimada Dalkaasi, laakiin Shahiid oo haatan aan awoodin inuu cagihiisa ku istaago ayaa waxa uu awoodi kari waayey kharashka ku baxaya dhakhtarkaasi ku yaalla Magaalo madaxda Dalka Pakistan ee ay dhakhaatiirtu kula taliyeen inuu u tego.

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

Leave a Reply