SOMCABLE

Kaashkii Lacagtii Somaliland Yaa Liqay!!!?-Qalinkii : Ahmed Ali Kaahin

Waxa taariikhda ku suntan siddii loogu diirsaday soo bixitaankii noodhka adag ee Ummadda reer Somalilad leeyihiin, taasi oo ku beegneyd wakhti adag iyo xaaladdo qallafsan oo lagu jiray dagaalo uurku taalo xun ku yeeshay dhammaan inta sammaha jecel.

Halka dad badani doodo adag kaga soo horjeedeen in la hirgeliyo lacagtaasi taasoo ay ku sabbabeeyeen in sixir barrar uu dhici doono iyo in aanay jirin dawlad adag oo maamusha, waxaana laga hor tegay is hortaag adag iyo ku jiqsii ilaa maalin dhaweyd ay soo gaadhay in Burco laga beddallo oo loo maaro waayo in laga hirgeliyo gobollada bari gaar ahaan.

Waxa jiray in barigaas nin maqaalo ku qoray jaraa’idka uu kaga soo horjeedo taasi oo uu aad ugu naqdiyay hirgelinta Lacagtaasi, balse waxa maalin si kedisa loogu yeedhay in uu yimaado Madaxtooyada oo Marxuum Cigaal Allaah ha u naxariistee uu ku doonayo, fajac iyo ammakaag ayaa ku dhacay waanu u qaadan waayey, Balse wuu ka qayb galay kulankaasi Cigaal na waxa uu ammaanay qaabka uu u taxliiliyey Lacagta iyo saameynteeda dhaqaale ee suuqyada lacagaha lagu kala gaddiyo.

Madaxwayne Marxuum Cigaal waxa uu xasuusiyey saaxiibkaa in aragti fog uu ka leeyahay arrintaasi oo aanu marnna aqbaleyn in SUUQA BAKAARAHA laga xukumo dhaqdhaqaaqa ganacsi ee reer Somaliland, waxa uu kusii daray waanu ognahay in sixir barrar dhici doono balse ballaayo taa ka weyn baanu ka gaashaamanaynaa.

Saaxiibkii oo aad madaxa u luxaya garawsadayna arrinta iyo qiimaheeda ayaa kasoo baxay Qasrigii Cigaal.

Waxa iyana xusid muddan in ganacsatadii barrigaasi ay hiil iyo hooba la ag taagnaayeen dawladdii Somaliland ee wakhtigaa ku beegneyd, taasi oo dakhliga iyo kala socodka dhaqaale iyo mid siyaasadeedba ay ku tiirsanaayeen ganacsato uu u magac dheeraa Ibraahim Dheere ALLE ha u naxariistee oo markabkii u horreeyay Berbera kusoo xidha dalka keenay una horseeday Caalamku in ay ku soo dhiiradaan.

Ta kale sida dad xogogaal ahi sheegeen gaar ahaan Odey Muuse Dallab waxa lacagta Somaliland lacagtii lagu soo daabacay jeebkiisa ka dhiibay ganacsadahaasi aan kor ku soo xusay, halka ganacsato kale oo reer Somaliland ah oo barri iyo galbeedna hawsha dhinacooda u hayeen waxaan isaga u xusay waa qaybtii libaax ee uu lahaa mana aha mid marag iiga baahan ama aan si hoose ugu xaglinaayo.

Waxa muuqata in ganacsatadaasi ay lacagtooda la barbar taagnaayeen Xukuumadihii dalka soo maray.

Taa beddelkeedana bulsho weynta reer Somaliland waxay helleen Dawlad adag oo ay ku diirsadeen galdalloolooyin ha jiraane, hadhkii dawladnimona waxa uu gaadhay meelo fog fog halka dhawaaqiina uu gaadhay dacallada dunida oo dhan.

Haddii aan si toos ah ugu soo gonda dego ujeedada qoraalka oo ah KAASHKII SOMALILAND YAA LIQAY, runtii waa dood dadku ku kala aragtiyo duwan yihiin, waana sida caadiga ah wax ku abuuran Aadamaha waxaase jira in wax kasta oo la sheegayo in loo hayo caddaymo cadcad lagana dheeraado ku tidhi ku teenta iyo wararka suuqa ee ujeedooyinka gaarka ah leh iyo hebel jecleysiga, Mar kastana waxa muhiima in miisaanka la saaro dhacdooyinka waaqaca ka dhacaya iyo saameyntooda dhaqaalaha iyo Ammaanka ummadda ah ba.

Waxa dad badani ku doodaan in Baanka Somaliland intii uu Geeriyooday Marxuumkii hore Cabdiraxmaan Ducaale in loo maaro layahay qaabka loona noolaado gedgediska suuqyada lacagaha Somaliland,

Taasi oo uu khabiir ku ahaa Marxuumkaasi si xirfad lehna ula macaamili jiray xaalad kasta oo dhacda, waliba wakhti jawigu ka adkaa kana oo kakanaa kan hadda jira, waxa maqan guud ahaan saameyntii Baanka ee aheyd in uu Maamulo hababka maaliyadeed ee Dalka siyaasad ahaan iyo dhinaca shurruucda iyo kala haggida shirkadaha maaliyadeed ee dalka ka jira iyo kuwa sameysmi doona, waxaana laf dhuun gashay baankii ku noqday in uu ku dawakho dakhliga Dawladda oo u dhiib iyo sii uun uu ka dhexeeyo iloobayna in uu yahay Aabaha Maamulka Maaliyada dhex taal Dalkan curdinka ah ee Somaliland la yidhaahdo.

Tusaale Maxkamaduhu sida ay u shaqeeyaan waa qaab madax bannaan oo danbboosha dhammaan baahiyaha dacwadeed ee dalka, sidaa si la mida ayaa looga baahnaa in uu Baanku dhabarka u rito dhammaan hawlaha maaliyadeed mid dadweyne, dawladeed iyo tu shirkadaha gaarka loo leeyahay ba.

Sidaa daraadeed, dadka qaar baa ku dooda in bulsho weyntu tahay cidda kaliya ee hagratay Baanka waayo way aamini waayeen oo waxay lacagaha ku keydsaddaan qaabab ay iyagu doorbidaan.

Doodaasi oo si toosa u weeraraysa bulsho weynta ayaa marka loo kuurgalo aad dareemaysaa in wax badan run ka yihiin, waayo qofku haddii aanu qarankiisa qiimayn qarankiina qiimo ma yeelanayaan.

Dhammaan hay’adihiisa u adeega bulsho weynta ee ka madhan macaash doonka cid gaara, waana waajib qof walba saaran in uu xisaab ka furto Bangiga si dawladda diiftu uga fuqdo, Haddii kale cabbashada dhaqaale marna kor looga toosi maayo, waana warran ku taagnaan doona illaa bulshadu dareento u haggar bixida iyo la shaqaynta hay’addaha dawladda oo ah hantida keliya ee ka dhexaysa reer Somaliland. Waxa la yidhaahdaa (Ruqe ninkii lahaa dabada hayaa ma kacdo).

Dood seddexaad baa jirta oo si toosa farta ugu fiiqda shirkadda Maaliyadeed ee dalka ka jira, balse waxa laga rabbaa dadkaasi sifeyn cad oo cilmiyeysa.

Waxa iyadu aan marna la dafiri Karin in baahida ugu wayn ee in Baanka Dhexe ee Somaliland in uu si fiican u shaqeeyaa ay danta ugu weyn ugu jirto dadka lacagaha iyo Maaliyadaha Maamula.

Waayo haddii shuruucdii kala haggi laheyd iyagu isku dhex yaacdo yaa kala gurraya Shirkadda gaarka loo leeyahay, waayo dalku wuu korayaa ee qaabkan ii hay hadhawna isii ee xisaabaadka loo maamulaa ma shaqeynaayo.

Macaamiishuna way korayaan oo waxay u baahanayaan adeeg adag oo ay isku halleyn karaan, waliba ta kasii darran waa haddii ay yimaadaan Shirkado shisheeye oo dibada ka socdaa.

Shirkadahaasi Su’aasha ugu horreysa ee ay ina weydiinayaan waa Shuruucda Ganacsiga iyo Maalgashiga iyo ka Maaliyadeed, dee may inna waddaysaa sheekadan Caasha Qushida dumarkana aan la kaftamee.

Haddaba, haddii gorafkii aynu ku maaleyna Maandeeq aynaan wadda ilaashan Bulsho, Dawlad, Ganacsato in loo wadda guntado siddii loo wadda toli lahaa, cid walibana meesha ku beegan ee ay joogto laabta usii dayso sidii danta gaarka ah looga hore marin lahaa ta guud ee inna wadda saamaysa.

Odayaashii reer Somaliland Dawlad bay inoo dhiseen Allaah baana inoo suurta galiyay, dee in aynu si xirfad leh oo Islaamka iyo Qawaaniinta Caalamka ee waafaqsan shareecada waa in aynu ku dhaqanaa.

Waliba dunidu maanta waxay noqotay edag kaliya, waxaana jira dad badan oo dunida Islaamka iyo dadka kale dunida la soo macaamilay, waxa looga fadhiyaa wixii ay soo dhugteen in ay inoo soo dheegaan.

Dawladana waxa marti looga yahay in ay dhegaha u furto, bulshadana waxa la gudboon in ay guddoomaan wixii lasoo go’aamiyo laguna Adeeco dawladda wixii aan Allaah ka cadheysiinayn.

Taasi waxaan filayaa in ay tahay waddo wacan waxaana jira waddooyin badan oo ka wanaagsan oo bulshada dhexdeeda ceegaaga, balse ciddii rumeyn laheyd la la’yahay, taansina waa mid hor taalla dadka hanka leh iyo kuwa hadda kuraasta fadhiya.

Gabagabadii, in wax la dhalliilaa waa shay fudud, laakiin in wax la dhaqaajiyaa waa shay adag, waxaana ka adag dadka ka adkaada ee dhaqaajiya rummeeyana riyadooda ay ku riyoodeen, sida looga baxayaa waa arrin dul saaran dhammaan dhinacyada aan soo sheegnay oo Hasha keliye ee aynu wadda maalnaana waa waxa casrigan loo yaqaan Dawladda. in dhinacyaduna si hoose isku xantaan oo hoosta la iskaga dusiyo ama ciddiba cidda kale ku riixdaa waa waddada guul darrada.

Geesinimadduna waxay ku qurux badan tahay in qof kastaa qoortiisa saaro masuuliyada ku beegan mid qof qofa iyo mid koox kooxa ahba.

Waana in laga yeeshaa talo Qaran haddii uu shillinku qiimo dhaco waxa qiimo dhacayaa mid ka mida tiirarka ama dhaabadaha ugu culus ee Dawlad casriya wakhti xaadirkan lagu tilmaansado.

Guul darraduna qof kasta gurigiisa ayey ugu soo hoyan, waxaan aad ula yaabay nin ka mida sarriflayaasha oo ku callaacalay sida ay lacagtu u qiimo dhacayso haddaan la af qaban xaaladda lacagta ee hadda, ninkaasi waxa uu ku tiraabay oo sheegay in wax kasta lagu kala iibsado Dollar.

Waxa wax lala yaabo ah iska daa dunida foge waddamada aynu jaarka nahay dadweynahooda qaar baan waligoodba arag waxa doolarka la yidhaahdo oo idaacadaha uun ka maqla.

Sida uu ii sheegay nin macalin noo ahaa waxa doolarka iigu horreysay markaan ‘Hargeysa imid’.

Ta kale waxa dalka ka dhoofay xoolo nool oo kor u dhaafay 2 milyan haddana Doollarkii inyar muu liicin, waaba yaabka yaabkiisee iyadoo uu aad hoos ugu dhici jiray xaaladahan oo kale ilaa heer uu gaadho in qiimihiisa uu waayo ku dhawaad 25% (boqolkiiba shan iyo labaatan) maanta inyar muu hinqan.

Waxa intaas gaaska dabka ku sii shiday in dhammaan Doolarka Dibada laga soo diraa uu toos ugu tago ganacsatada oo qofka loo soo diray iyo Dukaanka ama Bakhaarku af iyo gacan isku noqdeen.

Halkii wax lagu iibsan lahaa Lacagta Somaliland oo sharaf iyo karaamadeenu ku jirto, sidaa daraadeed suuqii wax lagu kala sarrifan jiray meeshuu kasii baxayaa waxaan dhacday in wax kastaa noqdeen af iyo gacan.

Runtii dhinacyo badan way ka fiican tahay, balse dhaqaalaha guud iyo kaabayaasha dhaqaalaha siday u saameynaysaa weeyaan weydiintu waana arrin u taalla doodeedu dadka aqoonta durrugsan u leh gedgediska suuqyada iyo sarrifka sida ay u saameeyaan quutal darruuriga qaataa ma dhergaha iyo dadka laddan.

 

Qalinkii : Ahmed Ali Kaahin

Ahmedckahin@gmail.com

Himilomedia.Com

Hargeysa-Somaliland

Leave a Reply