SOMCABLE

Ka Ilaali Ubadkaaga Isticmaalka Badan ee Dawada Ilkaha !

Carruurta yaryar ee isticmaala Burushka Lagu Cadeydo ayaa waxay mararka qaarkood si xad dhaaf ah ugu badiyaan burushkood Dawada Ilkaha ee aynu u naqaano ‘Colgate-ka’. Khubaro u dhashay Dalka Maraykanka ayaa waxay ka digeen khatarta ay dawadaasi ku yeelan karto Ilkaha Carruurta yaryar ee sida xad dhaafka u isticmaala, waxaanay khubaradaasi sheegeen in saamaynta dawadaasi ay ku soo bixi doonto markay weynaadaan isla markaana ay ku sababi doonto in ilkuhu jajabaan.

Sidaana waxa lagu baahiyey Daily Mail oo Wargeyska Himilo ka soo xigtay khubaradan ayaa iyaguna waxay sheegeen in 40 ubadka ay da’doodu u dhexeeyaan 3-6 ay Burushka Ka Buuxiyaan Dawada arrintaasina ay tahay mid qaldan waxaanay dhakhaatiirtu ku taliyaan Inuu qofku burushka Marsado In Leeg Xabad harikoo oo kale ah waynu wada garan karnaa cabirka ay leeg tahay xabada Harikooga ahina.

Baadhitaan ay khubaradaasi ku sameeyeen kumanaan kun oo carruura ayaa ugu dambayn waxay ka gun gaadheen in saamaynta dawadaasi ay soo baxdo marka ay Ilmaha Da’diisu kor u dhaafto 15 sanadood.

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

Leave a Reply