SOMCABLE

Ka Faa’iideyso Fadliga Bisha Barakaysan Ee Ramadaan-Q.9aad

Suxuurta & Adaabteeda

Suxuurtu waxay ka mid tahay Sunaha Rasuulka, waa waxyaalaha Qofka ugu kaalmeeya inuu Soonkiisa u xoogsado, wax kasta oo Cibaadada loogu xoogsadaa waa wax wanaagsan Diintana Asal ku leh, Sidaa darteed ayaa Rasuulku wuxuu Ummadiisa ku dhiiriyey inay Suxuurta Cunaan, wuxuu Xadiis ku yidhi:  “Suxuurta, Barakay leedahaye”. Nebiga SCW & Asxaabtiisu way Suxuuran jireen, si ay Cibaadada ugu Xoog yeeshaan, waxa Saxaabiga Zayd Bin Saabit RC  wuxuu yidhi: “Waxaanu la suxuuranay Nebiga SCW, ka dib waxaanu u kacnay Salaadii, waxaan ku idhi: Intee u dhaxaysey? Wuxuu yidhi waqti Konton Aayadood laga akhriyo”.

Faa’iidada Xadiiska:

  1. In Suxuurtu Sunne tahay.
  2. In Suxuurta dib loo dhigo.
  3. In Suxuurta & Salaada waqti yar oo ilaa Toban miridh ka yari u dhaxayn karo.

Waxa kale oo Sharcigu inoo sheegay in Soonka Ahlu kitaabka & Soonka Muslimiinta waxa u dhexeeya yahay Suxuurta, taas oo inagu dhiiri gelinaysa inaan suxuurano, waayo waxa mar kasta la ina amray inaan Cibaadada & Dhaqanka ku khilaafno kiristaanka & Yuhuuda. Qofka Muslimka ah waa in aanu soomin suxuur la’aan si aanu ugu ekaan Qolada Ahlu kitaabka, suxuurtuna waxay ku xasili kartaa midhadh Timir ah, ama kabo biyo ah.

Suxuurta oo dib loo dhigo

Suxuurta oo dib loo dhigo waxay kaalmo fiican u tahay in Qofku gelinka hore oo dhan dareemo inuu wax cunay, oo aanu gaajo dareemin, markasta oo suxuurta dib loo dhigo, waxa Qofku dareemayaa inay la mid tahay Quraacdii oo aad waqti hore cuntay, markaa waxa kaa maqani waa qadadii oo aad ka boodey, Cashadiina waad soo dedejisay oo maqribkii baad cuntay, markaa waxa meesha ka maqani waa qadadii oo aad iska deysey, bal u fiirso!!.

Taabiciga Camar Bin maymuun wuxuu yidhi: “Saxaabada Rasuulku waxay ahaayeen kuwa ugu afur degdeg badan, Suxuurtana uga dib dhig badan”. Asartan oo Ibn xajar fatxu baariga ku yidhi waa saxiix, sidoo kalena Nawawi Majmuuca ku yidhi waa saxiix, waxay ina tusay in Sunadu sidaa tahay. Waxa kale oo iyana la inagu dhiiri geliyey in Timir lagu suxuurto, waxa Nebiga SCW ka sugan inuu yidhi:

“Suxuur waxa ugu Nicmo badan Timirta”.

Soonka Ninka Ramadaan isagoo sooman Xaaskiisa u galmooda

Haddii ay dhacdo in Nin Ramadaan soomani Xaaskiisa u galmoodo, waxa ku waajibaya kafaaro gud noqonaya inuu Addoon xorreeyo, haddii uu waayo ama awoodi kari waayo, waxa laga doonayaa inuu soomo laba Billood oo Xidhiidh ah oo aan Maalin keli ahi u dhaxayn, hadduu cudur daar la’aan Maalin u afuro wuu soo bilaabayaa, haddii uu awoodi kari waayo wuxuu cunto siinayaa Lixdan Miskiin. Xaaska wax kafaaro gud ah ma lagu leeyahay, waa masalo khilaaf ka taagan yahay Cullimada dhexdeeda, waxa Jamhuurtu qabaan (Xanafiyada Shaaficiyada, Xanaabilada) in aan Gabadha Galmada lagu qasbay Maalinta Ramadaan iyadoo sooman wax kafaaro gud ah lagu lahayn halka Maalikiyadu ka qabaan in Kafaaro gud lagu leeyahay, waxay u eg tahay in aan Gabadha wax kafaaro ah lagu lahayn, maadaama la qasbay, inta badan weerarku dhinaca Ragga ayuu ka yimaadaa, waxa kale oo muuqata in aan Nebigu SCW Ninkii Xaaskiisa Maalinta Ramadaan u tegey aanu waydiin Gabadhii iyo inay wax Kafaaro ah bixiso, waxay yidhaahdeen, ma bannaana in waqtiga loo baahan yahay dib looga dhigo Masalada cadaynteeda.

Denbiga Qofka Soonka jebiya Cudur daar la’aan

Soonka oo la jebiyo Sabab la’aan, ama iska afurnaada Sabab la’aan, waxay ka mid tahay Denbiyada waaweyn, ee Qofku Naarta uu ku geli karo, waxa Nebigu SCW Xadiis ku yidhi:

“Anigoo hurda waxa ii yimi laba Nin [Malaa’ig] waxay I qabteen Cuddudayda waxay I keeneen buur dheer, waxay igu yidhaahdeen kor waxaan ku soo baxay qaylo daran, waxaan idhi; waa maxay qayladani? wuxuu yidhi: waa Qayladii Ahlu naarka, markaasay I kaxeeyaan, waxaan ku soo baxay Qolo boqnaha ka deldelan!, oo Qawlalada ka dillaacsan! oo dhiig ka qubanayo!, waxaan idhi kuwani waa maxay?, wuxuu yidhi: waa kuwii Soonkooda jebin jirey [ama afuri jirey].

Haddaba, Xadiiskan oo dheeraa oo Nebiga SCW lagu tusiyey Dadka Ahlu naarka ah iyo sida ciqaabtoodu tahay, waxaan ka aragnaa in Qofka iska afura Maalin Ramadaan ama Soonkiisa jebiya macna la’aan inuu ka mid noqon doono kuwa ciqaabtan xun la kulmi doona, oo inta la foorrariyo oo Cidhbaha laga deldelo Qawlaladii uu cuntada ku cunay la dillaacin doono oo sidaa Dhiig kaga darreeri doono, Illaahay ayaan ka magan galay.

LA SOCO…

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland