SOMCABLE

Ka Faa’iideyso Fadliga Bisha Barakaysan Ee Ramadaan

Witirka

Witirku waa Hal rakcad ah oo lagu soo khatimo Salaadii habeenkii aad tukanaysey, waxa sugan In Nebigu SCW yidhi: ” Witirku waa xaq, kii doona ha ku witriyaysto Shan, kii doonaana Saddex, kii doonaana xabad”

Markaa Qofku wuxuu tukan karaa Laba Laba kadib ayuu Mid ku soo gunnaanadi karaa, haddii uu doono wuxuu tukan karaa Shan Rakco uu marka u danbaysa fadhiisanayo, ama saddex uu marka u danbaysa fadhiisanayo.

Witrigu wuxuu leeyahay duco lagu soo khatimo oo lagu ducaysto marka aad rukuucda ka kacdo, ducada ugu badan ee la akhriyaa waa tii uu Nebigu SCW baray wiilkiisa Xasan bin Cali oo ahayd:

“Illaahow ila hannuuni kuwaad hannuunisey, ila Caafi kuwaad caafiday, ila kafaalo qaado, kuwaad kafaalo qaadatay, ii barakay wixii aad i dhiibtey, iga illaali Qadarta Sharkeeda, Adigaa go’aamiya laguuma go’aamiyo, kii aad sharaftay, ciddi ma dulayn karto, Sharaf ma helo kii aad la colaytantay, Adigaa barako & sarayn iska leh”.

Ducadan ayaa lagu ducaystaa marka aad rakcada witirka dhamayso.

  1. Qur’aan Akhriska

Illaahay wuxuu yidhi:“Kuwa kitaabka Alle akhriyaya, Salaadana oogaya, oo bixinaya wixii

aanu ku arsaaqney, si muuqata iyo si qarsoonba, waxay rajaynayaan Ganacsi aan khasaarayn, wuxuu u oofin doonaa abaal marintooda, wuxuu ugu kordhin doonaa Deeqdiisa, Isagu waa Denbi dhaafe shukrin badan”.

Qur’aanka oo la akhriyo Bisha Ramadaan waxay ka mid tahay Camalada  fadliga  badan  ee  aanu     Nebigu  SCW   ka tegin Bisha gudaheeda, waxa dhici jirtey inuu Qur’aanka la subciyo Malaku Jibriil, Bil Ramadaan oo kasta, Sannadkii uu geeriyoon doono Laba jeer ayuu Malaku Jibriil Qur’aanka la subciyey, sida Xadiiskani inoo sheegayo:

“Jibriil wuxu ahaa mid la kulma [Nebiga SCW] Habeen kasta oo Ramadaan,ilaa ay baxdo, wuxuu Nebiga SCW u bandhigi jirey Qur’aanka”.

Qur’aanka ayey wada daraasayn jireen, Bisha Ramadaan maadaama ay tahay Bishii uu Qur’aanku soo degey. Qur’aanka akhriskiisa iyo daraasadiisa si gaar ah ayaa fadli loogu sheegay, fadligaa waxa ka mid ah:

“Qofka Xaraf kitaabka Illaahay ka mid ah akhriya, wuxuu ku helayaa Xasanaad, halka Xasano wuxuu la mid yahay Toban kale, odhan maayo “Alif laamiim” waa Xaraf, hase yeeshee Alifku waa Xaraf, Laamku waa Xaraf Miimkuna waa Xaraf”.

Waxa kale oo Nebigu  SCW yidhi:

“Abuu Dar ayaa yidhi : Waxaan idhi Rasuul Alloow Ii dardaaran, wuxuu yidhi: Cabsida alle ayaan kugu ogahay, Arrimahoo dhan isagaa madax u ah, waxaan ku idhi: ii kordhi, wuxuu yidhi: Qur’aanka akhrintiisa ogoow, wuxuu kuu yahay Nuur Dhulka oogadiisa, wuxuu kuu yahay kayd xaga Samada”.

Sida Xadiisku inoo tilmaamayo Qur’aanka akhrintiisu waxay tahay Nuur dhulka oogadiisa intaad joogto, Nuurkaa oo kaa leexinaya wixii mugdi ah iyo wixii baadil ah & wixii denbi ah, wuxuu kale oo yahay kayd kuu yaala jannada. Qofka Qur’aanka barta ee ku camal fala wuxuu Illaahay agtiisa ku leeyahay sharaf iyo karaamayn weyn, wakhtiga uu Illaahay la kulmo Qiyaamaha,Qur’aankuna wuxuu u yahay afhayeen aan la diidayn wuxuu codsado, sidaa waxa inoo tilmaamaya daliilkan hoos ku qoran:

“Waxa la keenayaa Qiyaamaha Qofkii Qur’aanka yiqiin, Qur’aanka ayaa odhanaya: Rabbiyoow, Wax huwi (arrad tir), Waxa la huwinayaa Taajkii Sharafta, Qur’aankii ayaa odhanaya: u kordhi, markaasaa la huwinayaa iskujoogii sharafta, markaasuu odhanayaa Rabbiyoow  ka raalli noqo, markaasaa Illaahay ka raalli noqonayaa, waxa lagu odhanayaa akhri [Qur’aanka] oo jannada fuul, Aayad kastaana waxa loogu sii kordhinayaa wanaag, ilaa uu jannada ka dego halka Aayada ugu danbaysa kaga dhamaato”.

Arrintani waxay ina tusaysa in dadku jannada ugu kala sareeyaan hadba inta ayQur’aan korka ka yaqaaniin, Illaahay ha inoo sugo Qur’aanka xiftintiisa. Xadiisku waxa kale oo uu inoo tilmaamayaa qiimaha iyo sharafta uu helayo Qofka Qur’aanka yaqaan ee akhriyaa, wuxuuna ku muttaysanayaa in Illaahay ka raalli noqdo haddii Illaahay ka raalli noqdona waa abaal marinaha ugu saraysa ee jannada laga helo.

Qur’aanka iyo Abaal marinaha laga helo kuma gaar aha Qofka Qur’aanka bartay inay anfacaan keliya, laakiin xattaa wuxuu u gudbayaa qaraabadii Qofka Qur’aanka bartay, gaar ahaan waalidka Qofka Qur’aanka baratay, waa la sharifayaa sida uu inoo sheegay Rasuulkeenu, wuxuu yidhi:

“Qofka Qur’aanka akhriya ee barta, ee ku camal fala, waalidkiisa Qiyaamaha waxa loo xidhayaa Taaj  Nuur ah, ilayskiisu sida cadceeda yahay, waalidkii waxa la huwinayaa laba iskujoog oo aan Adduunkii lagu arkin, waxay odhanayaan [waalidkii] maxaanu ku mutaysanay arrintan? Waxa loogu jawaabayaa : waa Qur’aankii ubadkiinu yiqiin”.

Haddaba Qur’aanka Qofkii bartay intuu fadligiisii dhaafay ayuu qaraabadiisii gaadhey, sida labada waalid oo lagu sharfay sharaftii ilmahoodii Qur’aanka bartay. Fadliga Qofka Qur’aanka barta waxa ka mid ah in aanu asaasiqin ee caqligiisa Illaahay u illaaliyo, sidaa waxa inoo sheegay Suubanaha, wuxuuna  yidhi:

“Qofka Qur’aanka akhriya, ma asaasaqo, sida Aayadu tidhi: “waxaanu u celin doonaa Hoosaynta kuwa ugu hooseeya, kuwii rumeeyey moooyaane”, waa kuwii Qur’aanka akhriyey”.

Sida Xadiisku inoo tilmaamayo Qofka Qur’aanka akhriya ee bartaa ma asaasaqo ee Illaahay ayaa inta uu nool yahay caqligiisa u illaaliyey, laakiin waa kii kitaabka Illaahay intuu bartay ku camal falay xudduudiisa ee ku dul sugnaaday waxa uu ina farayo. Haddaba Bisha Ramadaan dhamaan camalada wanaagsan ee la sameeyaa waxay leeyihiin qiime dheeraad ah, weliba Qur’aanka oo la akhriyo sida aan daliilka kor ku xusan oo dhami inoo sheegayo.

LA SOCO…

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland