SOMCABLE

Jose Mourinho oo Lumiyey Kalsoonida Qaar ka mid ah Ciyaartoyda Manchester United

Wararka ka imanaya gudaha dalka England ayaa waxay shaaca ka qaadeen in macalinka reer Portugal ee Jose Mourinho uu lumiyay qaar badan oo ka mid ah kalsoonida ciyaartoyda Manchester United, kadib sida xun ee ay kaga bilawdeen xili ciyaareedkan.

Red Devils ayaa la kulantay 2 guuldaro 3-dii kulan ee ugu horeeyay ee ay ka ciyaareen horyaalka Premier League, kuwaasoo kala ah kooxaha Tottenham iyo Brighton, waana bilaabashadii ugu xumeyd ee United-ka tan iyo sanadkii 1992.

Jose Mourinho ayay wararku sheegayaan inuu lumiyay kalsoonida 4 ka mid ah ciyaartoyda kooxdiisa marka ay ugu yartahay, kuwaasoo kala ah Paul Pogba, Anthony Martial, Eric Bailly iyo Marcus Rashford.

Ciyaar

Si kastaba ha ahaatee Mourinho ayaa ku andacooday in maamulka kooxdu ay ka gaabiyeen saxeexyada uu ka doonayay suuqii xagaaga, xili la dareensan yahay in gudoomiye ku xigeenka kooxda Ed Woodward uu ku war galiyay Jose inuu ugu horeyn uu qaar ka mid ah xidigihiisa uu  fasaxo si dhaqaalaha kasoo xarooda loogu sameeyo saxeexyo cusub.

Himilomedia.com/Hargeisa Office

Leave a Reply