SOMCABLE

Jabuuti Oo Ka Jawaabtay Kalsooni-darro Uu Guddoomiyaha UCID Ka Muujiyey Amniga Khadadka Isgaadhsiinta  Somaliland Ee Jabuuti Sii Mara

Hargeysa, 29 Noofambar, 2018 (Himilo) – Dawladda Jamhuuriyadda Jabuuti, ayaa jawaab ka bixisay hadal doraad ka soo yeedhay Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah UCID Eng. Faysal Cali Waraabe.

Guddoomiyaha Xisbiga UCID oo doraad ka hadlayey soo dhaweyn Garoonka diyaaradaha ee Hargeysa loogu sameeyay Guddoomiyaha Shirkadda Telesom, ayaa sheegay in Lacagaha laga diro Somaliland ay sii maraan Dalka Jabuuti isla-markaana Telefoonnada Dadka reer Somaliland ku wada-hadlaan ay maraan Jabuuti, arrintaasina khatar ku tahay Amniga iyo Sirta reer Somaliland.

Balse, Wakiilka Jamhuuriyadda Jabuuti u jooga Caasimadda Somaliland ee Hargeysa Xuseen Cumar Kawaaliye, oo Shalay Shir-jaraa’id ku qabtay Xafiiskiisa ayaa ka jawaabay hadalkaa ka soo yeedhay Guddoomiyaha Xisbiga UCID.

Wakiilka Jabuuti wuxuu sheegay in Dawladda Jamhuuriyadda Jabuuti gaadhay Horumar dhinacyo badan ah, balse ay Dad badan oo reer Somaliland ay mar walba u jeediyaan eedaymo, kuwaana uu ka mid yahay buu yidhi Guddoomiyaha Xisbiga UCID, waxaanu ku baaqay in la ilaaliyo Derisnimada Jabuuti iyo Somaliland, waxaanu yidhi  “Shacabka Somaliland waa Dad aanu Walaalo nahay, laakiin waxa jira kuwo Had iyo jeer Afka uun ku haya Jamhuuriyadda Jabuuti oo Cambaarayn, Aflagaado iyo Dad kala dil uun ka shaqeeya, waana Ninka Faysal la yidhaahdo (Guddoomiyaha Xisbiga UCID).”

Wakiilku wuxuu sheegay inaan la kala dili karin Shucuubta Somaliland iyo Jabuuti “Waxaanu leenahay labada Ummadood ma kala dilo Shaqsi aan waxba ahayni.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey “Waxaanu leenahay ha laga shaqeeyo deris wanaagga, ha laga shaqeeyo Horumarka, nabadgalyada ha laga shaqeeyo, Waayo? Danteenu waxay ku jirtaa danta caamka ah. Waxaanu leenahay waa in la ixtiraamo oo la dhowro Dawladaha Jaarka ah.”

Mr. Kawaaliye wuxuu tilmaamay “Waxaan Anigu leeyahay haddii Ninka Faysal Cali Waraabe la yidhaahdaa uu Madaxweyne Ismaaciil Cumar iyo Marwada koowaad (ee Jabuuti) ku waashay, Xirsi Xijaab baanu uga qoraynaa Madaxweynaha Jabuuti iyo Marwadiisa Marwo Khadra Maxamuud Xayd iyo Jamhuuriyadda Jabuuti oo dhan…”ayuu yidhi.

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

Leave a Reply