SOMCABLE

Jabuuti: Doonyo Siday 130 Tahriibayaal Ah Oo Degay, Tirada Meydadka La Helay Iyo Wararkii U Dambeeyay

Djibouti, 31 Jeeniweri, 2019 (Himilo) – Ugu yaraan 130 qof ayaa la’ yahay nolol iyo geeri ka ay ku sugan yihiin, kaddib markii Xeebaha dalka Jabuuti ku degeen laba doonyood oo sidday tahriibayaal ku sii jeeday dalalka Carabta.

Sida ay sheegtay Laanta Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabbilsan Socdaalka Muhaajiriinta, warka doonyaha qarraqmay ayaa soo baxay kaddib markii la helay laba qof oo ka badbaaday. Hay’addu waxay sheegtay in la helay meydadka 47 Ruux oo saarnaa mid ka mid ah labada doonyood.

Wiil 18-jir ah oo laga soo badbaadiyey, ayaa sheegay in ay saarnaayeen doonta 130 qof oo 16 ka mid ahi haween ahaayeen, waxaana sababta shilka lagu sheegay kaddib markii ay mowjado waaweyn ku dhufteen doonta saacad iyo badh kaddib markii ay ka baxday xeebaha dalka Jabuuti maalintii Salaasada ee dorraad, sida ay sheegtay hay’adda IOM.

Ma jirto faahfaahin kale oo laga helay doonta labaad, hase-yeeshee waxa isla-markiiba la bilaabay hawl-gallo samato-bixin ah oo lagu baadi-doonayo dadkii saarnaa.

Wararku waxa ay intaas ku dareen in la helay Meydadka illaa 47 ka tirsan dadkii ku dhintay doonta subaxnimadii hore ee Shalay, sida uu sheegay madaxa hay’adda IOM u qaabilsan dalka Jabuuti Lalini Veerassamy.

Doonta degtay, ayaa ka mid ahayd laba doonyood oo la sheegay inay wadeen dad gaadhaya 130 qof oo u socday dalka Yemen. Sannadkii hore ayey IOM sheegtay inay xeebaha Jabuuti ku dhinteen dad ka badan 150 ruux oo tahriibayaal ah.

Dalka Jabuuti, ayaa bilihii lasoo dhaafay noqday marin ay kasii tallaabaan muhaajiriinta ku waajahan Gacanka Cadmeed, iyagoo ka tallaabaya marin-biyoodka Bab al-Mandab, kuwaas oo gaadha dalka Yemen ee dagaalladu ka socdeen dhawrkii sano ee la soo dhaafay, waxaanay uga sii gudbaan dhinaca dalalka Carabta, gaar ahaan Sucuudiga iyo Suudaan.

Ciidammada Xeebaha ee Dalka Jabuuti ayaa illaa Shalay waday hawl-gal ay ku baadi-goobayaan Dad weli iyo Meydadka dadka geeriyooday, wallow Baddu xilligan kacsan tahay, sidoo kalena ay halkaa ka jiraan Roobab.

Himilomedia.com/Hargeisa Office

Leave a Reply