SOMCABLE

“Itoobiya Waxay Qirtay In Saraakiisha Ciidanka Qaranku Ay Waxbarashada Kaga Horeeyaan Dhiggooda Suudaan, Itoobiya, Somaaliya & Jabuuti…”

Dararweyne, 4 Maarij, 2019 (Himilo) – Taliyaha Ciidammada Qaranka Somaliland, Nuux Ismaaciil Taani ayaa shaaca ka qaaday in saraakiisha Ciidanka Qaranka ee wax ka barta jaamacadaha Dalka Itoobiya ay Waxbarashada kaga horreeyaan Askarta kale ee Dalalka Suudaan, Jabuuti iyo kuwo kale ee kulliyadaha Itoobiya kula jira.

Taliye Nuux oo Shalay ka hadlay munaasibad loo qabtay furitaanka barnaamijka Shaqo-Qaran ayaa isagoo arrimahaa ka hadlaya wuxuu yidhi “Mudane Madaxweyne, dhalinyaradani Manta halkan nabadgelyo ayey ku yimaaddeen, la’aanteedna ma suurtowdeen, nabadgelyadaana Rag baa u soo dhintay, oo u soo dedaalay, oo mudan in loo mahadceliyo. Ragga halkan soo fadhiya oo aan ku jiro waa raggii sannadahii 50-kii waxbarashada bilaabay, nolosha wakhtigan iyo xilligaa hore farqi weyn ayaa u dhexeeya, nolol adag ayey wax ku soo barteen, maantana guryo laydhadh ka baxayaan ayey dhalinyaradani haystaan.”

Mar uu ka hadlayey fursadaha iyo nasiibka maanta ay haystaan dhalinyarada loo bilaabayo shaqo-qaran iyo sidii wakhtigaa hore aanu u jirin ayaa yidhi, “Wakhtigaa hore marka aanu waxbarashada dhamayno, waxa la odhan jiray taga Xamar aanad qofna ka aqoon, balse Maanta dhalinyaradan waxay nasiib u heleen inay guryahoodii ilaa jaamacad ku dhamaysteen, xilligaa hore musuqmaasuqa ayaa badnaa, balse Maanta si xalaal ah ayuu qof walba ku helay waxii qalinkiisu u gooyey…”

Taliyaha Ciidanka Qaranka S/G Nuux Ismaaciil Taani ayaa shaaca ka qaaday in heerka waxbarasho ee dalkeenu yahay mid ka sarreeya dalalka deriska, isla-markaana ka markhaati-kaceen waddamada jaarkeenu, waxaanu yidhi “Dhowaan waxaan socdaal ku tegay dalka aynu jaarka nahay ee Itoobiya, waxaan booqasho ku tegay saddex kuliyadood oo saraakiil Ciidanka Qaranka ah wax ka bartaan, kuliyadda Saraakiisha, oo 4 sarkaal Somaliland ah ku jiraan, waxay ii sheegeen madaxdii jaamacaddu in saraakiisha Ciidanka Qaranku ay kaalinta koowaad ugu jiraan waxbarashada Afartan sarkaal oo wadamadda Sudan, Jabuuti, Soomaaliya, Itoobiya ka socda, una tartamayaan inay billadda Dahabka qaataan afartooduba. Waxaan kale oo aan tegay kuliyadda layli-sarkaal oo soddon arday reer Somaliland ku jiraan, isla-markaana dhigtaan 430 qof, kaalinta saddexaad waxa u galay inan reer Somaliland ah. Waxay kale oo ay ii qireen in nidaamka waxbarashada Somaliland ka wanaagsan yahay ka Itoobiya, taasina waa qiritaan kale oo heerka aqoonta ardaydeena ah.”

Taliye Nuux ayaa ka codsaday Madaxweyne Biixi in madaxdii mustaqbalka Ciidanka Qaranka laga soo xulo dhalinyarada loo bilaabay shaqada qaranka, waxaanu yidhi “Madaxweyne, maaddaama annagu aanu muddo badan soo shaqeynaynay, waxa muhiim ah in Ciidanka Qaranku helo dhalinyaro iyo dhiig cusub oo lagu kaabo, ardayda halkan fadhida waxaanu doonaynaa in laga xusho saraakiisha mustaqbalka ciidamada hoggaamin doona. Maanta jaararkeena markaynu eegno halka aynu marayno, iyo heerkooda waa kaaf & kala dheeri, Ilaahay loogu mahadceliyo, isla-markaana raggii, shacabkii & madaxdii kaga dhabaysay gaadhitaankeedana, mahad in loo celiyo ayey mudan yihiin.”

Himilomedia.com

Hargeys-Somaliland

 

Leave a Reply