SOMCABLE

Itoobiya Oo Shaacisay Inay Dhisayso Ciidammo Kuwa Badda Ah

Addis Ababa (Himilo) – Dowladda Federaalka ah ee Itoobiya ayaa markii ugu horreeysay shaacisay qorshaha ay ku dhiseyso ciidamada Badda, kaddib markii dalkaa uu dhammeystirey dhismaha ciidammada dhulka iyo cirka.

Ra’iisul wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed wuxuu ku faannay inuu dalkiisa ka mid yahay dalalka Afrika ee ay xooggan yihiin ciidammada cirka iyo dhulka.

Raysal-wasaaraha oo la hadlayey Madaxa ciidammada difaaca Qaranka Itoobiya, wuxuu sheegay in la joogo xilligii la qorsheyna lahaa ciidammada Badda oo ay Itoobiya yeellato mustaqbalka.

“Dedaalladii aan ku dhisnay awoodda difaaca Qaranka , waxaan dhisnay mid ka mid ah ciidanka ugu xooggan dhulka iyo cirka ee Afrika, markaa waa inaynu dhisnaa ciidamadeenna Badda Mustaqbalka.” Ayuu yidhi, Raysal-wasaaraha cusub ee Dalka Itoobiya Mr. Abiy Axmed.

Dalka Itoobiya oo ku yaalla bariga Afrika wuxuu ka mid yahay dalalka caalamka ee aan lahayn badda, laakin taas kama reebin inay helaan dad aqoon u leh cilmiga Badda oo harada Tana waxaa ku yaalla machad lugu barto cilmiga badaha , wuxuuna sannadkiiba soo saara illaa 500 qof kuwaas oo isugu jira ingineero, farsama-yaqaanno iyo saraakiil, laakiin xukuumadda Addis Ababa waxay u aragtaa tiradaasi inayna ku filneyn waxaa hadda la qorsheynaya in la gaadhsiiyo 1,000 qof.

Ra’iisul wasaaraha muddada kooban xilka haya ee Abiy ayaa bishii May la gaadhay dowladda Suudaan heshiis lugu horumarinayo Dekedda Port Sudan ee Badda cas,waxaa kale oo uu dowladda Jabuuti kula heshiiyay inay is weydaarsadaan Dekedaha , duulimaadyada iyo isgaadhsiinta. balse halka ugu ballaadhan ee adeegyada Dekedaha ay ka hesho Itoobiya ama ay wax kala soo degto Itoobiya waa Dekedaha Somaliland ee Berbera iyo Jabuuti.

Abiy Axmed

 Sidoo kale, Dowladda Itoobiya waxaa ay qeyb ka tahay heshiis saddex geesood ah oo lugu qeybsaday saamiga dekedda magaalada Berbera ee Somaliland, waxayna saamigaa Itoobiya ka heshay 19%, halka Somaliland ka heshay 31%, Shirkadda DP World oo Dekedda Maalgelinaysaana waxay heshay 51%.

Himilomedia.com/Hargeisa Office

Leave a Reply