SOMCABLE

Isku Aadka Koobka FIFA Club World Cup oo La Sameeyay

Kooxda difaacaneysa tartanka FIFA Club World Cup (Real Madrid) ayaa la ciyaareysa kooxdii soo guuleysata labada kooxood ee Chivas de Guadalajara iyo kooxda ku guuleysata koobka kooxaha qaradda Asia.

Tartanka wuxuu ka furmayaa imaaraadka carabta 12-ka December iyadoo kooxda boqortooyada ay si hubanti ah u joogto Semi Final-ka tartanka, waxeyna dooneysaa iney markii 3-aad oo xiriir ah ku guuleysato.

Gool uu sanadkii hore dhaliyay Cristiano Ronaldo ayey kooxda ku hanatay koobka isagoo quusiyay kooxda Gremio, waxaana la sugi doonaa badbaadiyahooda sanadkan.

Isku Aadka

Kulanka kale ee Semi Final-ka ah waxaa taagan kooxda kusoo guuleysata Copa Libertadores, inta aan lasoo gaarin Semi Final-ka waxaa jira kulan kala bax ah oo u dhaxeeya kooxaha Wellington iyo Al-Ain kuwaas oo midkood ay la ciyaari doonto kooxda kusoo guuleysata koobka horyaalada Africa.

Saddexdaas kooxood midii soo baxda waxaa sugaya kooxda kusoo guuleysata Copa Libertadores oo lasoo dhameyn doono dhamaadka November.

Himilomedia.com/Hargeisa Office

Leave a Reply