SOMCABLE

Isbarbar-dhig: Siday Musharraxiinta KULMIYE Iyo WADDANI Doonayaan Inay Wax Uga Qabtaan Sicir-bararka Dalka Ka Taagan & Saboolnimada Sii Kordheysa Ee Shacabka ?

Musharraxa KULMIYE wuxuu ballan-qaaday in Dalku Cuntadiisa la soo baxayo Sannadka koowaad ee Xukuumaddiisa, Halka dhiggiisa WADDANI soo Bandhigay Aragti taa ka duwan

Hargeysa, 25 Oktoobar, 2017-(Himilo) – Musharraxiinta Madaxweyne-nimo ee Xisbiyada KULMIYE Muuse Biixi Cabdi iyo WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa laba Maalmood oo isku xigay Kumanaan Taageerayaashooda ah kala hadlay Fagaaraha Beerta Xorriyadda ee Caasimadda Hargeysa.

Warka KoowaadLabada Musharrax oo loolan adagi ka dhexeeyo isla-markaana mid walba uu isku dayayo inuu hanto Quluubta Shacabka, kuna Qanciyo Ajandeyaashooda Waxqabad hadduu Midkood ku guuleysto Doorashada Madaxtooyada ee la qorsheeyay inay Dalka ka dhacdo 13-ka bisha Dambe ee November, 2017-ka, ayaa mid walba Khudbadaha ka jeediyeen Beerta Xorriyadda waxay kaga hadleen qorsheyaasha uga yaalla wax ka qabashada Dhaqaale-xumada Dalka iyo Dadka iyo weliba Qiimo-beelka Shilinka Somaliland iyo Kor u kaca Qiimaha Maceeshadda ee dhibaatada badan ku haysa Dadka reer Somaliland.

Musharrax Cirro oo Taageerayaasha WADDANI khudbad u jeediyey 23-kii bishan isla-markaana la hadlayey muddo 22 Daqiiqo ah iyo Musharrax Muuse Biixi oo 22-kii bishan Taageerayaashiisa u jeediyey Khudbad muddo 10 Daqiiqo ah, ayaa Wargeyska Himilo wuxuu ku samaynayaa Is-barbar –dhig ku aaddan sida labadan Masuul uga hadleen Sicir-bararka iyo Qorsahaha mid walba uga yaalla arrintaas iyo sida uu wax uga qabanayo, bal si Cod-bixiyeyaashu u fahmi karaan hadduu jiro Faraq u dhexeeya labada Musharraxa Qorsheyaashooda.

Musharraxa Xisbiga Muxaafidka ah ee KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, oo 22-ka bishan Fagaaraha Beerta Xorriyadda kula hadlay Kumanaan Qof oo sitay Calanka KULMIYE, ayaa jeediyey Qorshaha Xisbigiisa uga yaalla Xal u helidda Sicir-bararka haddii Shacabku u doortaan Madaxweynaha Somaliland ee Shanta Sannadood ee soo socda.

Muuse Biixi wuxuu Khudbaddiisa ku sheegay in dhibaatooyinka uu Sicir-bararka Lacagta iyo Maceeshadda lagaga bixi karo oo keliya marka Somaliland gaadho isku fillaansho dhanka Cuntada ah, maaddaama buu yidhi Waxyaabaha Sicir-bararka keenaya ay ka mid tahay in Somaliland waxay Cunto isticmaasho oo dhan dibedda laga soo waarido, sidaasi darteed Xisbi ahaan ay dejiyeen Qorshihii Sannadka u horreeya haddii la doorto uu Dalku ula soo bixi lahaa Cunto ku filan, waxaanu yidhi “Walaaleyaal, Maanta dhibaatada inna haysataa waa Dhaqaale-xumo, Faqri iyo Sicir-barar, kaga bixi kari mayno innaga oo isku dhaleecayna, ee waxaynu kaga bixi karnaa innaga oo shaqeyna oo Cuntadeena la soo baxna. Walaaleyaal Deraasad la sameeyay Cuntada aynu Sannadkii u baahan nahay waa 432 Kun oo Tan, intaa waxa laga soo saari karaa haddii Lixda Gobol ee Dalka Mid walba la qodo 15KM oo Dhulkiisa ka mid ah, dabadeedna waxaynu noqonaynaa Dal Cuntadiisa la soo baxa. Walaaleyaal ma horumaro Dal Cuntadiisa oo dhan soo dhoofsada.”

Musharraxa KULMIYE wuxuu sheegay in Dalalka Cuntadooda la soo baxay uu Sannad walba Dhaqaalahoodu kobco oo uu kor u socdo, “Itoobiya 10% ayuu dhaqaalaheedu kobcayaa, wuxuu u kobcayaa Cuntadooda ayay la soo baxeen, Ruwanda Dhaqaalaheedu wuxuu kobcayaa 9%, sababtuna waxa weeyaan Cuntadoodii ayay la soo baxeen, Hindiya iyo Shiinuhu waxay halkaa ku gaadheen Cuntadoodii ayay ku fillaadeen.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Ma dhici karto Caalamka (Inuu horumar gaadho), Dal soo waarida Caano-maraaciga iyagoo leh Xoolaha u badan (in Dhaqaalahoodu kobco), Xoolaha u badan ayaynu leenahay, Adhiga u badan ayaynu leenahay, Geela u badan ayaynu leenahay, haddana waxaynu soo dhoofsanaa Caano-maraaci iyo Caano-boodhe, Carruurteena ayaad ka aragtaa gaajada haysa, Xitaa Dhararkoodii ayaa gaabtay, Xitaa Araggoodii-baa isbeddelay, waa Nafaqo-darro” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Haddii Alle yidhaahdo, Xukuumadda oo KULMIYE haddii Alle keeno, Sannadka u horreeya Dadka Xoogga leh oo dhami waxay ku dhaqaaqi doonaan inaynu Gobol walba 15KM beerno oo aynu Cuntada la soo baxno, inaynu Xoolaha dejinno oo aynu Beero u samayno, oo Xoolaha iyo Abaarta haysata aynu kala duno, oo Abaarta aynu Keyd uga samayno Xoolaha. KULMIYE aqbali-maayo Dhulka Xoolaha loo keydinayo inay kooxi sheegato oo ay tidhaahdo Annagaa leh oo ay Qori soo qaadato, oo ay Qaranka gaajo ku disho, dhicimayso in Qof Kiiloo Mitirro ooto, Xoolaheenuna lee’adaan.”

Laakiin, Musharraxa Madaxweynaha ee Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo isaguna Kumanaan Taageerayaashiisa kula hadlay Fagaaraha Beerta Xorriyadda Hargeysa 23-kii bishan October, 2017-ka ayaa isaguna ka hadlay Sicir-bararka Dalka ka jira, Qiimo dhaca Shilinka Somaliland iyo haddii la doorto waxa uga meel-yaalla wax qabashadeeda, hasa-yeeshee Musharraxa Cirro oo hadalkiisu eed u badnaa ayaa soo bandhigay Qorshe aad uga duwan ka uu soo bandhigay Dhiggiisa KULMIYE, waxaanu Cirro yidhi “Walaaleyaal, Dhibaatooyinka Xanuunka badan ee KULMIYE inna dhaxal-siiyey waxa ka mid ah Qiimo-beelka Lacagta Waddanka iyo kor u kaca Maceeshadda. Dadka inta awoodaysa Nolol-maalmeedku way sii yaraanayaan Maalinba Maalinta ka dambaysa, Dawersiga iyo Baahida Dadkuna way sii kordhayaan, Xaafado dhan oo ku nool Sadaqo ay deriskoodu siiyaan ayaa Maanta Hargeysa ku nool.”

Musharraxa Cirro wuxuu khudbaddiisa ku sheegay oo kale in Qiimo dhaca Shilinka Somaliland si gaar ah u taabatay Shaqaalaha, “Walaaleyaal, Saboolnimadu Cirka kama soo dhicin, Lacagteenu iskama Qiimo-beelin ee Asbaabo Cadcad ayaa jira, markii KULMIYE Talada qabtay Qiimaha lacagteenu wuxuu ahaa 6700 Shilin Halka Dollar, Maanta waa toban kun oo Shilin, taasi waxay keentay in Mushaharkii Shaqaalaha ee Awalba iska yaraa uu waxba goyn waayo, Saboolnimadu sii badato.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray isagoo soo bandhigaya Xalka uu u hayo dhibaatadaasi, haddii loo doorto Madaxweynaha Somaliland ee Shanta Sannadood ee soo socda, “Walaaleyaal, marka Xukuumadda WADDANI Dhalato, waxaanu ku dhaqaaqaynaa Tallaabooyin muuqda oo Qiimo-beelka Lacagta lagu joojinayo. Tallaabooyinkaa waxa ka mid ah in Dib u dhis ballaadhan lagu sameeyo Baanka dhexe si uu u guto Hawshiisa, oo ay ugu horreyso Daabacaadda Lacagta, Xakamaynta Qiimaha Lacagta iyo Maamulidda Lacagta Adag. Waxaanu dejinaynaa Siyaasadda Maamulidda Lacagta oo aan Hadda jirin iyo Siyaasadda lagu Maamulo Guud ahaan Dhaqaalaha.”

Musharraxa WADDANI wuxuu sheegay in hadduu Doorashada ku guuleysto uu Badeecadaha Waddanka ka soo baxa kobcin doono “Badeecadaha Waddanka laga soo saaro ayaanu kobcin doonaa, waxaanu suuqa u xidhi doonaa wax soo-saarka Gudaha.”

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

Leave a Reply