SOMCABLE

Iran Oo La Shaaciyey Inay Weerar Internet-Ka Ah La Beegsatay Ololihii Doorashadii Madaxweynaha Mareykanka

Koox jabsata internetka oo la rummeysan yahay inay xidhiidh la leeyihiin dawladda Iran ayaa waxay bartilmaameedsadeen doorashada madaxweynanimada dalka Mareykanka ee 2020, waxaana sidasi shaacisay shirkadda dhanka tiknoolajiyada ee Microsoft.

Kooxdan ayaa weerar ku qaaday in ka badan 200 oo email oo qaarkood ay iska lahaayeen dad gacan saar la leh ‘Ololaha doorashada Mareykanka’, sida ay shirkaddu sheegtay.

Bartilmaameedka kooxdan burcadda ee jabsata internet-ka ayaa ahaa ololaha dib u soo doorashada Madaxweyne Trump, sida ila wareedyo ay ka soo xigatay waakaladda wararka ee Reuters.

Ilaa iyo imika dowladda Iran kama aanay hadlin eedeynta loo soo jeediyey.

Afhayeen u hadlay kooxda ololaha Trump ayaa waxay sheegeen in aanay wali hayn cadeyn ku saabsan in la bartilmaameedsaday, “Waxaan idinla waddaagaynaa in aanu aragnay dhaqdhaqaaq dhanka internet-ka ah oo ay waddaan koox lagu magacaabo Phosphorus, oo la rummeysan yahay inay xidhiidh la leeyihiin dowladda Iran”. ayaa lagu yidhi bayaan ay soo saartay shirkadda Microsoft.

Bayaanka ayaa sidoo kale lagu sheegay in kooxdani ay sameeyeen in ka badan 2,700 oo isku day ah oo ay ku xaqiijinayeen cinwaanada Email-ada iyo cidda iska leh.

Markaa ka dib ayaa waxay kooxdan qaadeen weerar ay la bartilmaameedsadeen 241 cinwaanada Emailo ah. “Cinwaanada la bartilmaameedsaday ayaa ah kuwa la xidhiidha ololaha doorashada Mareykanka.

Himilomedia.Com

Hargeysa-Somaliland

Leave a Reply