SOMCABLE

Imaaraadka Carabta Oo Muwaadiniinteeda Uga Digtay Toban Dal Oo Ay Soomaaliya Ku Jirto

Dubai, 09 Apr, 2019 (Himilo)-Dawladda Imaaraadka Carabta ayaa Muwaadiniinteeda uga digtay inay u safraan toban dal oo ay Dalka Soomaaliya ku jirto, halka aanay dalalkaasi Somaliland ku jirin.

Dawladda Imaaraadka Carabta ayaa Wallaac ka qabta in Weerarro iyo afduub loo geysto Muwaadiniinteedu hadday u sarfaan Soomaaliya ama dalxiis ahaan u tagaan.

Wallaacan amni ee Imaaraadka ayaan ku koobnayn Soomaaliya, balse wuxuu wallaacaasi mid la mid ah ka muujiyeen illaa toban dal oo kale oo Afrikan ah.

Digniintan cusub ayaa la sheegay in la gaadhsiiyey dhammaan Safaaradaha Imaaraadku ku leeyahay dhammaan Dalalka amnigooda laga dariyey, waxaana Muwaadiniinta ku sugan Dalalkaasi loogu baaqay inay si deg-deg ah ula xidhiidhaan safaaradda Imaaraadka ee ku taalla hadba Dalka ay ku sugan yihiin, si haddii ay wax dareemaan gurmad loogu samayn karo.

Dalalka Imaaraadku uu Muwaadiniintiisa uga digay waxa ka mid ah, Madagasger, Kongo, Yemen, Koonfurta Suudaan, Afghanistan, Suuriya, Nigeria, Ciraaq, Soomaaliya iyo Liibiya.

Imaaraadka oo Brazil iyo Ukrain hore digniintan Amni-xumo oo kale uga soo saaray ayaa hadda sheegay in Dalalkaas Amnigoodu uu hadda ka soo raynayo, sidaasi darteedna wuxuu sheegay inay Muwaadiniintiisu tagi karaan.

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

Leave a Reply