SOMCABLE

Hudheel Ku Yaalla Magaalo Ka Mid Ah Dalka Turkiga Oo Dadka Ku Soo Dega U Sameeyey Qol Ay Ku Cadho Burburaan !

Hudheel ku yaalla Magaalada Alanya ee Dalkaasi Turkiga ayaa waxa uu macaamiishiisa u diyaariyey Qol gaar ah oo uu ugu tala galay in dadku haddii ay cadhoodaan ku Cadho burburaan.

Qolkan ayaa waxa uu macmiilku ka helayaa qurraarado, weel kala duwan iyo qalab Electaroonig ah oo uu jajabinayo si uu ugu Cadho burburo.

Qolkan ayaa waxa magaciisa la yidhaahdaa Rageroom oo macnihiisu yahay Qolkii cadhada, ka hor Inta aanu qofku galin qolkaasi ayaa waxa uu xidhanayaa dhar loogu tala galay in ay ka ilaaliyaan dhibaatada ka soo gaadhi karta qalabkaasi kala duwan ee uu jajabinayo.

Maamulka Hudheelkaasi ayaa waxa ay sheegeen in Dadka qolkaasi had iyo jeer codsada ay da’doodu u dhexayso 18 ilaa iyo 38 jir.

 

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

Leave a Reply