SOMCABLE

Hooyo Miyir Doorsooneyd Muddo Ka Badan Rubuc Qarni Oo Si Kedis Ah Uga Soo Baxday!

Haweenay u dhalatay dalka Imaaraadka Carabta ayaa waxay koomo ku jirtay muddo 27 sanadood ah, haweenaydan ayaa waxay koomadaasi gashay bilawgii sanadihii sagaashamaadkii, kadib markii ay shil baabuur ku gashay Magaalada Al-Ain ee dalkaasi.

Gabadhan ayaa waxa muddadaasi 27 sano ah ee koomada ay ku jirtay la geeyey dhakhtaro badan oo ku kala yaala gudaha dalkaasi Imaaraadka iyo waliba dalalka adduunka, balse muddadaasi oo dhan dhakhaatiirtu waxay u sheegayeen ehelka haweenaydaasi in xaaladeeda aan waxba kaga qaban karin.

Haddaba, sida lagu baahiyey Wargeyska Emaraties Today oo Wargeyska Himilo ka soo xigtay ‘haweenaydan ayaa waxa magaceeda la yidhaahdaa Muniira Omer Abdallah waxa aanay haatan ku sugan tahay Dalka Jarmalka oo lagu daweynayey, laakiin nasiib wanaag Muniira ayaa waxay si lama filaan ah ugu dhawaaqday Magaca Cumar oo ah magaca wiilkeedii Curad oo ay dhabta ku haysay markii ay shilka gashay.

Intaasi kadib ayaa waxa Muniira awooda ALLE darteed usoo noqday Wacyigeedii ka maqnaa tan iyo sanadkii 1991kii, Muniira ayaa waxa uu wacyigeedu u soo noqday kadib markii ay dhakhaatiirtu  u diyaariyeen inay dib ugu celiyaan Dalka Imaaraadka Carabta.

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

Leave a Reply