SOMCABLE

Hooyo Baahida Dhaqaale Ee Ku Xeerani Ku Kaliftay Inay Iibiso Caanaha Naaskeeda !

Dadka Ku nool Dalka China oo ah dad aad u tiro badan ayaa waxay sameeyaan arrimo aad
u layaab badan, maadaama oo Duruufta Nololeed ee dadka Dalkaasi ku nooli ay tahay mid
kala duwan.
Hooyo dhallinyaro ah oo u dhalatay Dalkaasi ayaa waxay go'aan ku gaadhay in listo oo ay
iibiso caanaha Naaskeeda si ay u bixiso lacag dhakhtar ay ku jirto gabadh yar oo ay
dhashay si ay ugu bixiso waxa ka soo gala caanaha naaskeed ka soo listay ee ay iibinayso.
Hooyadaasi ayaa waxa arrintaasi la qaatay Sayigeeda waxaanay labadooduba sheegeen in
duruufta adag ee ay ku noolyihiin ay arrintaasi ku kaliftay.
Hooyadan iyo Aabahan ayaa waxay sheegeen in gabadh yar oo ay dhaleen ay ku jirto mid
ka mid ah dhakhtarada Dalkaasi waxaanay sheegeen inuu dhakhtarku amray inay bixiyaan
lacag dhan 15.891$,arrintani ayaa sababtay in dad badan oo dalkaasi u dhashay ay baraha
bulshada ku eedeeyeen kuna dhalleeceeyaan Hay'adaha Caafimaadka ee dalkaasi.

Leave a Reply