SOMCABLE

Hoggaanka Hawlgelinta Ciidanka Sirdoonka Somaliland Muxuu Ka Yidhi In Xilkii Laga Qaaday?

Hargeysa, (Himilo)-Hoggaanka Hawgalinta Ciidanka Sirdoonka Qaranka JSL Mujaahid Mucsin Aw Cali ayaa markii u horreysay si kooban uga dareen celiyey in xilkii laga qaaday, taasoo ay sheegayeen warar maalmihii u danbeeyey soo baxayey oo warbaahinta soo gaadhayey.

Haddaba, Hoggaanka oo aanu marar dhawr ah isku daynay in aanu la xidhiidhno si aanu wax uga weydiino xaqiiqada Warka sheegaya in xilkii laga qaaday ayaanay hore noogu suurto gelin, balse goor dhaweyd oo aanu khadka teleefanka kula xidhiidhnay oo aanu weydiinay in xilkii Qaran ee uu hayey laga qaaday iyo waliba sababta keentay ba, ayaa waxa uu hoggaanku si kooban uga jawaabay oo uu ku gaabsaday oo uu  yidhi Mujaahid Mucsin, “Arrintaasi waa mid Ciidan oo aan loo baahnayn in aan halkan kaga hadlo, sidaasi awgeed iga raalli ahow”.

Intaasi kadibna, Hoggaanka hawlgelinta Ciidanka Sirdoonka Qaranka Somaliland, Mujaahid Mucsin teleefankii wuu jaray oo mar danbe naga muu qaban oo noomay suurto gelin in aanu su’aalo kale oo arrintan la xidhiidha weydiino.

Ugu dambayntiina, Akhristayaal warka xilka qaadista masuulkan oo ay shalay baahiyeen meeragaha qaarkood ayaa keenay in bulshadu si weyn isku weydiiso, isla markaana ay ka dhashaan dareeno kala duwan, waxaana xusid mudan in Magacaabista iyo xil ka qaadista masuuliyada Qaranku tahay sune dawladeed.

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

Leave a Reply