SOMCABLE

Hoggaamiyeyaasha Xisbiyada Iyo Hormoodka Bulshada Oo Si Heer Sare Ah Hargeysa Ugu Soo Dhaweeyey Cabdikariim Maxamed Iid Oo Ku Soo Guuleystay Tartan Caalami Ah

Hargeysa, 28 Nov, 2018 (Himilo)-Guddoomiyaha Shirkadda Telesom Mudane Cabdikariim Maxamed Iid ayaa si heer sare ah dalka Somaliland shalay loogu soo dhaweeyey, kadib markii uu ku soo guuleystay hoggaamiyaha ugu wanaagsan ee tignoolajiyada Qaarada Afrika oo lagu qabtay dalka Koonfur Afrika.

Hoggaamiyeyaasha Axsaabta Siyaasada, Madaxda iyo Xildhibaanada Gollayaasha Qaranka, Culimo Aw Diin, Siyaasiyiin, Aqoonyahano, Waxgarad, Madax-dhaqameed, iyo Masuuliyiinta, Shaqaalaha, Macaamiisha shirkadda Telesom iyo dadweyne aad u tiro badan ayaa shalay shalay subax si weyn ugu soo dhaweeyey Gegida Dayuuradaha ee Caasimada Hargeysa Cabdikariim Maxamed Iid oo ku soo guuleystay tartan caalami ah.

Ugu horreyna, Maayirka Caasimada Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Ceydiid, ayaa Guddoomiyaha Shirkadda Telesom ku hambalyeeyey guusha uu u soo hooyey shirkadiisa iyo dalkiisa.

Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga, Wershadaha iyo Beeraha Mudane Maxamed Shukri, ayaa isaguna ka hadlay ahmiyadda guushaasi u leedahay dadka iyo dalka, waxaanu yidhi “Waxay guul u tahay shirkadda uu metalo ee uu Guddoomiyaha u yahay ee uu ku mutaystay inuu noqdo guddoomiyihii sanadka ee Afrika, guud ahaana waxay guul u tahay magaca Soomaaliyeed oo dhan oo ay kor u qaaday”.

Xildhibaan Siciid Maxamed Cilmi oo ka mid ah golaha Wakiillada, ayaa isaguna waxa uu yidhi, “Shirkadda Telesom iyo Guddoomiyeheeda Cabdikariim Maxamed Iid waa astaan Somaliland ka dhex bidhaamaysa”.

Sh Aadan X Maxamuud (Siiro) ayaa isaguna si qoto dheer uga hadlay sumcada shirkada Telesom,

“Shirkadda Telesom waxaanu ka mid nahay dadka aan Saamiga ku lahayn, laakiin taageersan, sababta aanu ku taageersanahay waxa weeyi waxay xaqiijiyeen dawladnimadii aynu baahnayn oo ah midnimo iyo maamul wanaag, waxaanay xaqiijiyeen Ammaanadii dunida oo dhan laga la’aa”. Sheekhu waxaanu intaasi ku daray, “Cabdikariim Maxamed Iid, iyo kooxda uu hoggaaminayaa waxay ka mid yihiin dadka faro ku tiriska ah ee aynu leenahay, waxaanay ku guuleysteen afartan sanadood wixii aynu hammiyeynay in ummadda loo sheego”.

Dhinaca kalena, Hoggaamiyeyaasha Xisbiyada Siyaasada Somaliland oo kala ahaa Guddoomiye ku xigeenka Xisbiga Kulmiye, Axmed Cabdi-dheere, iyo Guddoomiyaha Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi, iyo Guddoomiyaha Xisbiga Ucid Inj Faysal Cali Waraabe oo iyaguna ka qaybgalay xaflada soo dhaweynta guddoomiyaha Shirkadda Telesom, isla markaana ka warramay siday u arkaan guusha uu Cabdikariim Maxamed Iid ka soo hooyey Qaarada Afrika iyo qiimaha shirkada Telesom ku leedahay sumcada iyo horumarka dalka, waxaanay hambalyo iyo duco u direen Cabdikariim Maxamed Iid, iyo waliba shirkada Telesom.

Ugu dambayntii, Guddoomiyaha shirkadda Telesom mudane Cabdikariim Maxamed Iid, ayaa u mahadnaqay guud ahaan dadkii tirada badnaa ee sida diiran ugu soo dhaweeyey dalkiisa Hooyo, isla markaana ku sii sugayey Gegida Dayuuradaha ee Cigaal International Airport, waxaanu yidhi “Marka ugu horreysay waxaan jeclahay inaan u mahad celiyo madaxda kala duwan ee halkan igu soo dhaweeyey, waxa kale oo aan u mahad naqayaa macaamiisha shirkadda Telesom oo run ahaantii mar kasta la jaanqaadayey tignoolajiga aanu keeno, kaasoo marag ma doonto u noqday guusha aynu haatan u taaganahay, kalsoonida ay macaamiishu nagu qabto (TELESOM) waxa kow ka ah hal abuurida iyo hoggaaminta toosan, iyo waliba shaqaale Diin, Akhlaaq, iyo Xirfad ugu adeega macaamiisha.

Ugu dambayntii, Cabdikariim Maxamed Iid waxa uu u mahad celiyey Guddigii qabanqaabada AFRICACOM ee Telesom u soo xushay inay tartanka ka qayb gasho ee markii dambena abaalmarinta guddoonsiisay.

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

Leave a Reply