SOMCABLE

Hoggaamiyaha WADDANI Oo Ka Digay Inuu Fashilmo Dhismaha Jidka Cusub Ee Berbera Iyo Difaaca Wasiir Koore

Hargeysa, 2 Maarij, 2019 (Himilo) – Hoggaamiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI, Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa ka hadlay dhismaha Jidka Berbera iyo Wajaale oo saddex Maalmood ka hor ay si wada jir ah u dhagax-dhigeen Madaxweynayaasha Somaliland iyo Ismaamulka Soomaalida Itoobiya.

Dhismaha Jidka Berbera iyo Wajaale oo qayb ka ah Mashruuca  Magaciisu yahay ‘Berbera Corridor’ oo muddo dheer soo jiitamayey, balse hadda uun si rasmi ah loogu guda-galayo hirgelintiisa, ayaa Waddadaas oo ka mid ah waxa ku baxaysa 111 Milyan oo Dollar, waxaana barbar socda mashaariic kale oo muhiim ah, sida dhismaha 7 biriij iyo Garoon diyaaradeed, waxaana Munaasibaddii dhagax-dhigga laga sheegay in si rasmi ah dhismaha Waddada Berbera iyo Wajaale loo bilaabayo badhtamaha Bishan March, 2019.

Hoggaamiyaha Xisbiga WADDANI, Mr. Xirsi Cali Xaaji Xasan oo soo daliishanaya hadallo ay Masuuliyiinta Dawladda qaarkood ku sheegeen inaan Waddo cusub oo Laami ah laga dhisayn inta u dhaxaysa Berbera iyo Wajaale, balse Jidkii hore u jiray uun la dayac-tiro, ayaa arrintaa aad ugu dhaliilay Xukuumadda, waxaanu soo jeediyey haddii Jidkii hore uun la dayactirayo aan cid kale waxba laga sugin ee ay Somaliland dayactirato, wallow aanu carrabka ku dhufanin waxa diidaya in dayactirka laftiisa laga taageero Somaliland, haddaan la dhisayn Jid cusub.

Xirsi Cali Xaaji Xasan oo arrimahaa ka hadlaya ayaa yidhi “Mashruuca Berbera Corridor waa Barnaamij aan cusbayn ee waa mid soo jiitamayey illaa Dawladdii ina Cigaal. Xukuumaddu waxay inoo sheegtay in Abu Dubai inaga bixinayso (Dhismaha Jidka Berbera iyo Wajaale), waa Ilaahay Mahaddii oo iyagana waynu ugu ducaynaynaa, Xukuumaddana waxaanu leenahay waad ku Mahadsan tihiin.”

Xirsi oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in Masuuliyiinta Dawladda qaarkood sheegeen inaan jid cusub la dhisayn ee kii hore uun la dayactirayo, taasina tahay waxaan sax ahayn, maaddaama buu yidhi intii uu ka ogaa mashruucu ahaa in Jid cusub la dhiso “Maxaa taagan? Waxa taagan oo hadda la dhagax-dhigay in Waddadii Jirtay ee Berbera iyo Wajaale uun dib loo hagaajinayo. Waddada Berbera Corridor waxay ahayd in la inoo dhiso waddo ka duwan tan labada Haad ah ee aynu haysaney..” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Hadday tan hore tahay oo la inoo dhab-dhabo, waar taa aynu innagu dhab-dhabano oo haddii Jeebkii weynaa ee Abu Dubai wax inaga bixinayaan yaynaan Waddadeenii yarayd ee Berbera iyo Wajaale ee aynu samaysanay, yaynaan iska dul-gelin oo aynaan isku baa’biinin.”

Xirsi oo hadalkan ka jeediyey Munaasibad loo qabtay Telefiishanka Badda-cas24 Tv oo Xaruntiisu tahay Hargeysa, ayaa isagoo hadalkiisa sii wata wuxuu ka Alle baryey in dhismaha Jidka Berbera iyo Wajaale aanu u fashilin sidii uu u fashilmay Mashruucii biyo soo-saarka ee degaanka Xumbo-weyne “Xubmo-weyne Alle ha inooga sahlo…”  ayuu yidhi.

Laakiin, hadalka Hoggaamiyaha WADDANI waxa ka jawaabay Wasiirka Wasaaradda Khayraadka Biyaha, Md. Saleebaan Yuusuf Cali (Koore) oo hadalka uga dambeeyay, waxaanu Wasiirka oo Carrabka ku dhufan Hoggaamiye Xirsi uu sheegay inay Xukuumaddu u dulqaad u leedahay dhaliilaha kaga imanaya Qaybaha Bulshada iyo Xisbiyada Qaranka, waxaanu yidhi “Xukuumaddu ama Qofka masuulka ahi eray kasta oo la yidhi inuu ka jawaabo maaha, Dalka masuul baanu ka nahay, Ummadda ama xisbi Mucaarad ah ha noqdo ama ha noqdo Shaqsi gaar ah, Qofku wax buu taban karaa oo waxbaa la is odhan karaa, wax buu Maskaxdiisa ka odhan karaa, markaa in sida Aabbaha iyo Hooyadu ula dhaqmaan Carruurtooda iyo Dadka ay iyagu masuulka ka yihiin ayaanu ugu khasbanahay inaanu u yeelano dul-qaad oo aanaan hadallada ka wada daba-tagin, laakiin wixii taabasho leh waanu taabanaynaa..”

 

Himilomedia.com/Hargeisa Office

Leave a Reply