SOMCABLE

Hindiya: Nin Sawir Uu Ku Baahiyey What’s App-Ka Uu Ka Gallaaftay Safar Uu U Baxayey !

Waa mid ka mid ah arrimaha lama filaanka ah ee ay Dadka qaar ku kacaan iyagoo aan marnaba filanayn inay dhibaato u soo jiidi karto, dadka aadka u isticmaala Baraha bulshada ee kala duwan ayaa mararka qaar waxa soo waajaha dhibaatooyin oo ay adkaato sida loo xalin karo isla markaana xalka dhibaatadaasi uu ka qaato muddo.

Nin u dhashay Dalka Hindiya ayaa waxa uu Whatt’s app-ka ku baahiyay Sawirkiisa waxaanu sawiraasi raaciyay Qoraalka ‘Argagixiso’ ninkani ayaa laga soo dejiyay Diyaarad laga leeyahay Dalkaasi Hindiya oo uu ka mid ahaa rakaabkii saarnaa, sababta looga soo dejiyay ayaa waxay aheyd inay ciidammada Ammaanku la yeeshaan wareysi.

Ninkani ayaa waxa magaciisa la yidhaahdaa Yogdivat Poddar waxaanay da’diisu tahay 21 jir waxaanu la safrayay Calcutta waxaanu u socday Mombai.

Wiilkan ayaa waxay ciidammada Ammaanka ee dalkaasi Hindiya la yeesheen wareysi socday muddo lix saacadood ah.

Ugu dambayntiina Taliyaha ciidammada Bileyska ee Calcutta Avaro Ravindaranath ayaa waxa uu xaqiijiyay in aanu wiilkaasi wax xidhiidh ah la lahayn kooxaha argagixisada ah sidaasi awgeedna wiilkaasi xoriyadiisa loo soo celiyay lix saacadood kadib.

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

Leave a Reply