SOMCABLE

Hindiya: Haweenay Qarnigii Rubuc Uga Dhiman Yahay Oo Mataano Dhashay !

Hooyo u dhalatay Dalka Hindiya Isla markaana da’deedu tahay 74 jir ayaa waxa ay dhashay Carruur mataano ah.

Hooyadan ayaa noqotay hooyada ugu da’da weyn hooyooyinka Ummula ee Dunida ku nool. Sidaana waxa lagu baahiyey shabakada Russia Today oo Wargeyska Himilo ka soo xigtay hooyadan ayaa sida la sheegay ayaa markii hore waxa ay aamintay in aanay waxba dhalayn waxa aanay sheegtay in ay dadku ku xaman jireen in ay tahay madhalays balse haweenaydan oo magaceeda la yidhaahdo Iramati Mangayama ayaa waxa dhakhaatiirta ka hawl gala gobolka Anderbradish ay go’aan ku gaadheen in hooyadan lagu beero ilmaha isla markaana waxay ballan qaadeen in kharashka ugu badan ee hawshaasi ku baxaya ay bixin doonaan waanay kaga dhabeeyeen ballanqaadkoodii.

Hooyadan ayaa dhakhtar ku yaalla halkaasi lagu ilaalinayay xaaladeeda sagaalkii bilood ee ay Uurka laheyd, haatana waxa ay aad ugu faraxsan tahay carruurta ay ku dhashay da’dan.

Sidoo kale hooyadan saygeeda oo la yidhaahdo Raja Raw isla markaana ay da’diisu tahay 78 ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay ubadkaasi u dhashay.

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

Leave a Reply