SOMCABLE

Hindiya: Gabadh Inta La Kufsaday Nolosha Lagu Gubay Iyo Dawladda Oo Lagu Dhaleeceeyay

Hindiya, 6 Meey, 2018 (Himilo) – Booliiska gobolka Jharkhand ee bariga Hindiya ayaa waxa ay soo xidheen 14 qof oo lala Xidhiidhiyey fal ah inay kufsi iyo dil kula kaceen gabadh yar.

Booliisku waxa ay sheegeen in gabadha la kufsaday oo 16 sano jir ah nololsha lagu gubay kaddib markii waalidkeed iyo odayaasha deegaanka ay ka cawdeen falalka kufsiga ah ee ka dhaca tuuladooda.

Oday dhaqameedyada gobolkaasi ayaa waxa ay amar ku bixiyeen in dadka gaysta falalka faraxumeynta ah ay boqol jeer fadhiistaan oo ay kacaan iyo inay bixiyaan toddobo boqol iyo konton doolar oo ganaax ah.

Ciqaabtaan ayaa booliisku waxa ay ku sheegeen inay ka cadheysiisay Ragga, kuwaasi oo jidhdilay waalidka gabadha ka hor intii ayna kufsan.

Dhacdadan ugu dambeysay ayaa ku soo beegmeysa xilli dalka Hindiya uu ka jirto dambiyo taxano ah oo la xidhiidha tacadiyada loo geysto dumarka.

Ku dhawaad afartan kun oo kiis oo kufsi ah ayaa laga diiwaan galiyay dalka Hindiya sanadkii 2016-kii.

Dhibaatada gabadha la kufsaday iyo ninka intaa kuma ekayn, wuxuu sheegay markii booliiska uu soo gaadhay in wakhtiga ay ku luminayeen booliiska muran ah, xerada boliiska ee la gaynayo oo ayna caawin gabadha oo uu dhaawac culus soo gaadhay oo aad u dhiig baxaysay.

Dowladda Hindiya ayaa dhaleecayn badan loo soo jeediyay inayna waxba ka qabanayn ammaanka dumarka Hindiya. Hindiya ayaa kufsiga uu aad ugu badan yahay.

Leave a Reply