SOMCABLE

Haweenay Wax Ka Dhigata Iran Oo Lagu Xukumay 12 Sano Oo Xadhiga & Sababta Keentay !

Dalka Iran ayaa waxa lagu tilmaamaa inuu yahay Dal siyaasadiisu ay tahay mid aad u xidhxidhan, arrintaasi ayaa waxay sababtaa in haldoorka amase cidda ka soo horjeedsata Nidaamka dalkaasi Xukuma isla markaana ka badheedha oo lagu fuliyo xukuno adag.

Hangana Saciidi waa haweenay Macalimad ah isla markaana wax ka dhigta mid ka mid ah jaamacadaha dalkaasi Iran, Hangama ayaa waxay cambaaraysay isla markaana ka soo hor jeedsatay Nidaamka Xukuma Dalkaasi Iran, mana aha markii u horreysay ee Hangama lagu soo eedeeyo arrin noocan oo kale ah, balse waxa jiray marar hore oo dhawr goor loo xidhay.

Sida lagu baahiyey wakaalada wararka Iran ee Arna oo Wargeyska Himilo ka soo xigtay Qareenka Macalimadan ayaa sheegay in lagu fuliyay xukun xabsi ah kaasi oo ay muddadiisu tahay 12 sano iyo 9 bilood.

Qareenkan oo magaciisa la yidhaahdo Musatafa Turuk Hamdani ayaa sheegay in xukunkaasi uu yahay mid aan sharci ahayn isla markaana uu Garsoorka ka codsanayo in xukunkaasi dib loo eego.

Sidoo kalena, Hangama waxa lagu soo eedeeyay falal Amni darro ah.

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

Leave a Reply