SOMCABLE

Haweenay Ku Dhex Ummushay Jeel Xilli Ay Keligeed Aheyd, Ilmihii Yaraa Oo Dhintay & Ciidammada Britain Oo Arrintaasi Baadhaya !

Dhacdo aad u layaab badan ayaa waxa ay ka dhacday jeel u gaar ah haweenka oo ku yaalla Dalkaasi Britain isla markaana ah jeelka Haweenka u gaarka ah ee ugu weyn Qaarada Yurub.

Dhacdadan ayaa waxa ay tahay in mid ka mid aheyd Maxaabiistii jeelkaasi oo ilmo yar ummushay isla markaana aanay dalbanin wax dhakhtar ah nasiib darro ilmihii yaraa ee ay ummushay waa uu geeriyooday.

Sida lagu baahiyey The Guardian oo Wargeyska Himilo ka soo xigtay haweenaydan ayaa waxa ay ku xidhnayd qol ay ku jirtay keligeed kaasi oo ku yaalla jeelka Bronzefield halkaasina ayay ku umushay xilligaasi ay kelida aheyd, markii ay shaqaalihii jeelku soo shaqa galeen subaxnimadii waxa ay la kulmeen haweenayda oo ummushay iyo sidoo kale ilmihii ay ummushay oo geeriyooday.

Ciidammada dalkaasi ayaa sheegay in ay wali baadhayaan qaabka ay arrintani u dhacday waxa aanay sheegeen in marka baadhitaankaasi dhammaado ay wixii faahfaahin ah ee arrintaasi ku saabsan ay soo bandhigi doonaan.

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

Leave a Reply