SOMCABLE

Haweenay Ka Badbaaday Mindi Tuug Ula Soo Galay Kadib Markii Ay Saaxiibadeed Isaga Dhigtay Mindidaasi !

Dalka Thailand ayaa waxa ka dhacday dhacdo aad u layaab badan, taasoo ka dhacday Dukaan amase Supermarket ku yaalla Deegaanka la yidhaahdo ‘Sida’ kaasi oo ay ka shaqeeyaan laba dumar ah.

Dukaankaasi ayaa waxa soo galay nin tuug ah oo Mindi ku hubeysan waxaanu u hanjabay labadaasi dumara ee ka shaqaynayay tukaanka, intaasi kadib mid ka mid ah labadaasi dumar ah ayaa waxay u fikirtay si aad u layaab badan waxaanay isla markiiba daba istaagtay saaxiibadeed waxaanay iskaga dhigtay mindidi uu ninkaasi tuuga ahaa sitay.

Haweenayda ay saaxiibadeed u dhigtay mindidaasi uu tuuga soo weeraray sitay ayaa waxa soo gaadhay dhaawacyo halis galiyey nafteeda kadib markii uu tuugaasi  dhawr meelood ka galiyey.

Dhakhaatiirta gacanta ku haya xaaladda caafimaad ee haweenaydaasi ayaa waxay sheegeen inay Badbaaday isla markaana xaaladeeda caafimaad ay haatan aad u wanaagsan tahay.

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

Leave a Reply