SOMCABLE

Haweenay Badbaadisay Nolosha Wiil Ka Mid Ah Qoyska Ay U Shaqeyso Kadib Markii Uu Qaraqmi Gaadhay !

Waxa jira dad aad u badan oo noloshooda u hura sidii ay badbaadin lahaayeen dadka dhibaataysan isla markaana aan u adkeysan karin dhibka qofka haysata ee ay arkayaan.

Haweenay Ajanabiyad ah oo ka shaqeysa dalkaasi Kuwait ayaa waxa ay badbaadisay wiil yar oo ka mid ah qoyska ay u shaqayso.

Wiilkan yar ayaa waxa uu ku soo dhacay barkad ka mid ah barkadaha lagu dabaasho oo ku taalla Sabaax Al-axmed ee badda u dhaw, kadib markii uu ilmaha yar ku dhacay barkadaasi ayey kaga soo daba dhacday markii ay wada quuseen ayaa la soo badbaadiyey.

Gabadhaasi iyo wiilkaasi yar ayaa haatan waxa ay ku jiraan dhakhtar ku yaalla magaaladaasi Kuwait waxaana la sheegay in xaaladooda caafimaad ay haatan aad u wanaagsan tahay.

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

Leave a Reply