SOMCABLE

Harima Cad Soo Weeraray Magaalo Ku Taalla Dalka Hindiya Oo Cabsi Galiyey Dadka Ku Nool magaaladaasi !

Harima cad ayaa waxa uu soo weeraray Magaalada Jalandhar ee dalkaasi Hindiya waxaanu cabsi galiyey dadka ku nool magaaladaasi, iyadoo harima cadkan uu weerarkiisu qaatay  dhawr saacadood.

Harima cadkan ayaa waxa saacado kadib gacanta ku dhigay ciidammada ilaalada duur joogta ee dalkaasi, isagoo qaniinay tiro dad ah, waxa kale oo uu jiidjiiday waddooyinka magaaladaasi dhawr qof, halka uu dad kalene uu eryaday waddooyinka Magaalada.

Dhammaan dhaawacyada uu soo gaadhsiiyey dadka ayaan ahayn dhaawacyo halis ah waxaanay Madaxda Ilaalada Duur joogto sheegeen in aanay jirin wax dhibaato halis ah oo uu geystay waxaana si nabad ah loogu qabtay goobtii uu soo weeraray.

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

Leave a Reply