SOMCABLE

Hargeysa: Hal Qof Oo Ku Dhaawacmay Hawl-gal Aan Ogaysiis Lahayn Oo Dawladda Hoose Ku Rartay Qoysas Deganaa Biyo-mareen Hore Carruuri Ugu Dhimatay

Hargeysa, 6 Meey, 2018 (Himilo) – Hal Qof oo rag ah ayaa ku dhaawacmay Rabshado Shalay gelinkii hore ka dhacay Xaafadda Qudhac-dheer ee Magaalada Hargeysa, halkaasi oo Dawladda Hoose ee Hargeysa ay bilowday inay ka rarto Qoysas degannaa biyo-mareen weyn, si looga badbaadiyo Daadadka ka dhasha Roobabka Gu’ga, ka dib markii Toddobaadkii hore Daad halkaasi maray uu qaaday isla-markaana ay ku dhinteen laba Carruur ah oo Walaalo ahaa.

Rabshadaha Halka Qof ku dhaawacmay ayaa yimid, ka dib markii Maamulka Dawladda Hoose ee Hargeysa oo Gacan ka helaya Ciidammada Boolisku ay bilaabeen inay Dadka halkaa deggan oo aan u diyaar-garoobin inay guuraan ay bilaabeen inay Xoog ku rarraan, taasi oo keentay in Booliisku lagala hor-yimaaddo Shiid, laakiin Booliiska oo Shiidkaa ka Fal-celinayaa ayaa Rasaas uu ku kala dareerinayey waxay dhaawacday Hal Qof oo Rag ah, kaasi oo lagu Magacaabo Cali Ibraahim Muuse.

Ninkan dhaawaca ah oo la dhigay Cisbitaalka guud ee Magaalada Hargeysa, ayaa waxa sida uu u dhaawacmay iyo Xaaladdiisa Caafimaad ka warrantay Haweenay ay Walaalo yihiin oo la hadashay Telefiishanka HCTV,  waxayna tidhi “Saaka Aroortii hore (Shalay) ayaa Dadka meesha loogu yimid, waxa lagu yidhi waalla idin rarayaa, Dadkii oo aan loo sheegin in la rarayo oo aan loo habaynin meesha loo rarayo ayaa si Deg-deg ah loogu soo galay, Jiingadihii ayay xoog ku fujiyeen, waar ka daaya waar ka daaya ayaa lagu yidhi, markaa Ninkan dhaawacmay wuxuu lahaa waanu guuri doonaa ee Dadka si wanaagsan ula hadla, markaa Anigu waan garan waayay sababta lagu dilay.”

Haweenaydan oo la waydiiyey Xaaladda Caafimaad ee Walaalkeed, ayaa sheegtay “Xaaladdiisa Caafimaad, khatar ayuu ku jiraa, Waayo? Wuu dhiig-baxay, koomo ayaanu ku jiraa.”ayay tidhi.

Haweenay ka mid ah Qoysaska xoogga lagaga rarray Xaafadda Qudhac-dheer ee Degmada Maxamuud Haybe ee Magaalada Hargeysa, ayaa iyaduna ka mid ah Qoysaska Xoogga lagaga rararay halkaa ayaa ka warrantay Hab-dhaqanka Shaqaalaha Dawladda Hoose “Dawladda Hoose waxay na geynayaan Cidlo bilaa Suuli ah, xitaa meel ay ku taallo oo ay tahay garan mayno, Anaga ayaana ugu horreyna Dadka halkaa la geynayo, Inanka dhaawacmayna wuxuu ku yidhi Waar sidan Dadka laguma rarro ee ka daaya, oo na tusa halkaad na geynaysaan, markaa Goobta Ninkaa Xabadda lagaga riday balaayaba may taagnayn.”

Maayar ku-xigeenka Caasimadda Hargeysa Cabdicasiis Maxamed Xaashi (Caga-weyne) oo Telefiishanku waydiiyey siday u rarrayaan Qoysaska halkaa deggan iyo Sababta ay Dadka ugu War-gelin waayeen ayaa ku jawaabay “Waxaanu fulinaynaa Amarka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo nagu amray ka Dawlad hoose ahaan in Masiibadii dhacday aanay dib ugu dhicin in Qoysaskii deganaa Dhaamka dhexdiisa in Dawladda hoose dhul dhow oo Qaranku leeyahay oo dan-guud ah ay siiso oo ay dejiso.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Waxaad arkayseen Qoysaskii meesha deganaa oo Lixdan ku dhow oo Jiingadihii loo furfurayo, Shaqaalihii Dawladda hoose oo u furfurayo, waxaanad arki doontaan halka loo rarrayo oo ay joogaan joomitarro iyo farsamayaqaanno Shaqaalaha Dawladda hoose ah, kuwaasi oo Dadka u dhisaya Guryihii Qudhac-dheer laga rarray, meeshuna waa degmada Maxamed Mooge badhtankeeda.”

Maayarka oo la waydiiyey waxa uu ka odhanayo dhibaatada la gaadhsiiyey Ninka Hawl-galka ku dhaawacmay ayaa ka gaabsaday, isla-markaana ku andacooday inay arrintaasi tahay mid Ciidammada amniga khusaysa.

Leave a Reply