SOMCABLE

Hargeysa: Dugsiga Gacmo-Dheere Oo Kedis-Aqooneed U Qabtay Ardayda Fasalka 8aad Iyo Masuuliyiin Ka Qayb-Galay

Hargeysa, 10 Oct, 2019 (Himilo)-Guddoonka Waxbarashada Gobolka Maroodi-jeex ayaa ka qaybgalay munaasibad kedis-aqooneed loogu qabtay Ardayda Dugsiga hoose dhexe ee Gacmo-dheere ee Magaalada Hargeysa, taasoo ka dhacday xarunta Dugsigaasi.

Xafladdan oo ka sekow Kedis loo qabtay ardayda Fasalka 8aad ee dugsigaasi, lagu daah-furay qorshe uu ku dardar gelinayo tayada iyo baaxada waxbarashada  maamulka cusub ee dugsigani, ayaa waxa ka qaybgalay Guddoomiyaha Waxbarashada Gobolka Maroodi-jeex ee qaybta galbeedka, Maamulka iyo macalimiinta, waalidiinta iyo Arday wax ka barta Dugsigaasi.

Maamulaha Dugsiga Gacmo dheere Fadxi Axmed Cabdillaahi oo ugu horreyn munaasibadan hadal ka jeediyey, ayaa sharraxaad ka bixiyey taariikhda dugsigan, heerka waxbarashadiisa iyo waxyaabaha uu qabtay intii uu Maamulaha ka ahaa, waxaanu sheegay in bilowgiiba markii uu shaqada la wareegay uu xidhiidh la sameeyey guddiyada ka dhisan Xaafadda uu ku yaallo dugsigu, Waalidiinta Ardayda wax ka barata dhalay iyo mudakarka kale ee deegaanka ku xeeran, si uu u abuurmo jawi isku-xidhnaanneed oo fure u noqda in la iska kaashado sidii loo horumarin lahaa waxbarashada dugsiga, ardaydana loogu dhiiri-gelin lahaa waxbarashada aasaasiga ah.

“Markii aan dugsiga immi waxaan isku xidhnay Maamulkii, Waalidkii ardayda iyo macalimiinta, si ay meesha uga baxdo in ardaygu uu sagsaago waxbarashadiisa, waxaanan mar walba isku xidhanahay oo aanu warbixinta kala qaadanaa Waalidka”, ayuu yidhi Maamule Fadxi oo intaasi ku daray in dugsiga lagu kordhiyey qayb cusub oo loogu talogalay barbaarinta Carruurta, taasoo aan hore looga sameynin dugsiyada Dawladdu maamusho.

Sh. Cabdiraxmaan Sheekh Faarax oo ka mida culimada waaweyn ee dalka iyo waalidiinta ubadkoodu waxbarashada kaga jiraan dugsigan oo isagu xafladaasi hadal ka jeediyey, ayaa tilmaamay in isbeddelka lagu sameeyey maamulka dugsigani horseeday horumarka iyo dardarta ka muuqata, waxaanu sheekhu ballanqaaday in ay waalid ahaan iyo guddi xaafad ahaanba ay garab ku siin doonaan maamulka cusub sidii loo soo celin lahaa mustawihii uu dugsigani kaga jiray waxbarashada hoose dhexe ee Caasimada Hargeysa.

Muuna Macalin oo ah Guddoomiyaha Guddida waalidiinta ee dugsigan, ayaa dhankeeda ballanqaaday in ay si hufan ula shaqaynayaan Maamulka iyo macalimiinta dugsiga, diyaarna u yihiin talo iyo taageero wixii kaga aaddan horumarinta dugsiga iyo dhismaha mustaqbalka ubadka wax ka barta.

Sidoo kalena, Wariyeyaasha kala ah Cabdiraxmaan Cismaan Xasan Almis iyo Saleebaan Cabdi Cali oo iyagu hore u ahaa Ardaydii Dugsigan wax ku soo baratay haatana ka mid ah Waalidiinta ayaa iyaguna xafladaasi ka hadlay kana warramay waayihii kala duwanaa ee uu Dugsigani soo maray iyo haatan horumarka uu ku tallaabsaday oo ay ku ammaaneen Maamulka Dugsigaasi.

Dhinaca kalena, Guddoomiyaha Waxbarashada Gobolka Maroodi-jeex ee qaybta galbeedka Cabdiqaadir Cabdillaahi Jaamac (Jeex) oo isna halkaasi hadal ka jeediyey, ayaa ku hambalyeeyey Maamulka dugsigan waxqabadka uu muujiyey muddadii uu joogay, isagoo kula dardaarmay in uu halkaasi ka sii wado dedaalka uu sameeyey.

Guddoomiyaha ayaa intaasi ku daray in tartan-aqooneedyadu ay ka mid yihiin waxyaabihii caadada u ahaa dugsigan, kan maanta loo qabtay ardayduna bilow u yahay sanad dugsiyeedka 2019-2020-ka, isagoo tilmaamay in dayac-tir lagu sameeyey dhismaha iyo agabka waxbarashada ee dugsiga.

“Dugsigan wasaaradda waxbarashadu iyadoo la kaashanaysa hay’addaha la shaqeeya waxa lagu sameeyey dayactir badan, waxa loo baahan yahay ardayeeyey in aad ilaalisaan oo aad nadaafadiisa u ilaalisaan sida guryihiina oo kale”. Ayuu kula dardaarmay ardayda, macalimiinta iyo waalidka dugsigan ehelka u ah.

Xubno ka mid ah ardayda waxbarashada kaga jira dugsigan oo xafladan hadallo ka jeediyey, ayaa halkaasi ku soo bandhigay hadallo ay ku muujinayaan heerka tacliintooda iyo mahadnaq ay u jeediyeen maamulka iyo macalimiintooda oo ay shahaado-sharafyo iyo hadyado ku guddoonsiiyeen xafladaasi.

Gunnaanadkii munaasibadan, ayaa waxa kedis-aqooneed halkaasi loogu qabtay laba kooxood oo ka mida Wiilasha iyo Gabdhaha fasalada 8aad dhigta, waxaana tartankaasi ku guuleystay Kooxda ka socotay Hablaha oo 12 dhicood kaga guuleystay Wiilasha oo dhankooda 10 dhibcood helay.

Geesta kale, Ardayda ayaa xaflaaasi ku soo bandhigay riwaayad ka turjumaysa qiimaha waxbarashada iyo doorka uu waalidku ku leeyahay dhismaha ardayga ku wanaagsan waxbarashada.

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

Leave a Reply