SOMCABLE

Hargeysa: Derbi-jiif Loo Xidh-xidhay Mudaharaad Cabasho Ah Oo Ay Sameeyeen Oo Maxkamad La Hor-geeyay Iyo Codsi Dawladda Loo Diray

Hargeysa, 3 Feebarweri, 2019 (Himilo) – Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex ayaa la hor-geeyay 22 Dhallinyaro ah Derbi-jiif ah oo Toddobaadkii hore Mudaharaad Cabasho ah la hor-tagay Wasaaradda shaqada iyo Arrimaha Bulshada Somaliland.

Dhallinyaradan Derbi-jiifka ah oo Ciidammada Amnigu xidh-xidheen, ka dib markii ay Xarunta Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada la hor-tageen Mudaharaad ay doonayeen inay ku muujiyaan dhibaatada nololeed ee haysata si wax loogu qabto, ayaa Muddo dhowr Maalmood ah oo ay xidhnaayeen ka dib, waxa Shalay la hor-geeyay Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex, iyadoo lagu eedeeyay inay si Sharci-darro ah ugu Mudaharaadeen Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, waxaana Maxkamaddu in inta kiiskooda Go’aan kama dambays ah laga gaadhayo ay muddo 7 Maalmood ah xidhnaadaan.

Sidaana waxa sheegay Gar-yaqaan Guuleed Axmed Jaamac (Dafac) oo Maanta u warramay Telefiishanka SAAB oo Himilo uu Warkan ka soo xigtay.

Gar-yaqaanka oo ka hadlaya arrimahaasina wuxuu yidhi  “Maxkamadda ayaa la keenay 22-kii Darbi-jiifka ahaa, dabadeedna waalla Rumaan-gareeyay, waxaana lagu eedeeyay inay sameeyeen Mudaharaad Sharci-darro ah.”

Guuleed Dafac waxa kale oo uu sheegay “Qodobka 19 ee Dastuurku wuxuu dhigayaa Dhallaanka aan lahayn Cid daryeesha iyo Dadka aan xiskoodu dhamayn iyo Dadka nugul oo dhan inuu waajib ka saaran yahay inay daryeesho Dawladda Somaliland, waxaana waajibkaasi si gaar ah u saaran yahay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo Arrimahaa Dalka u qaabilsan.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Dadkaa Cabashada la hor-tagay Wasaaradda in la xidh-xidho wax habboon maaha, waajibkii Dastuurku farayey Dawladda iyo laamaheedana wax ka jawaabaya maaha, waxay ahayd in loo soo baxo oo la waydiiyo waxay ka cabanayaan, markaa waxa ay ka cabayaan hadduu yahay wax ay gar u leeyihiina lala qabto, haddii kalena halkaa warku ku dhamaado, laakiin Adiga oo Dawlad ah Qof kuu soo cawday inaad xadhig ugu jawaabto khalad weeyaan.”

Gar-yaqaanku waxa uu sheegay in Sababta dhallinyaradu u Mudaharaadday tahay dhibaato nololeed oo haysata “Waxa intaa dheer marka horeba Dadkani waxay ahaayeen Dad baylah nololeed dibedda u soo saartay, Carruurta Darbi-jiifka ahina xilliyada qaboobaha iyo xilliyada Roobabku da’ayaan waa xilliyada ay ugu nugul yihiin, markaa arrintaasi waxay ahayd arrin aad looga naxo. Saldhigyaduna maba helayaan meel ay ku hayaan 22 dhallinyaro ah oo aanay qaarkood qaan-gaadhin, markaa arrintaasi gef weyn bay ahayd.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey oo uu farriin u diray Xukuumadda Somaliland “Dawladda Somaliland waxaanu ka codsanaynaa inay u naxariisato Carruurtaa yaryar, Xorriyaddoodana u soo celiso..”

 

Himilomedia.com/Hargeisa Office

Leave a Reply