SOMCABLE

“Hargeysa Caasimad Laguma Sheegi Karo Ee Degmo Ayaa Lagu Sheegayaa, Markaa Waxaan Leeyahay Caasimadii Ma Muqdisho Ayaad Ka Dhigteen…”-Golaha Degaanka Hargeysa

Hargeysa, 11 Apr, 2019 (Himilo)-Xildhibaano ka tirsan Golaha Degaanka ee Caasimada Hargeysa ayaa si adag uga hadlay wax ka beddelka Golaha wakiilladu ku sameynayaan Xeerka ismaamulka Gobollada iyo Degmooyinka.

Xildhibaanadan oo kala ah Xildhibaan Maxamed Aw Aadan, Xildhibaan Xasan Shahar, Xildhibaan Cismaan Xasan Faarax ayaa dhammaantood iyagoo arrintaasi ka hadlay.

Xildhibaan Maxamed Aw Aadan ayaa ugu horreyn waxa uu ka hadlay wax ka beddelka magaca caasimada, waxaanu yidhi “Guddiga Arrimaha Gudaha ee loo xil saaray wax ka beddelka xeerka ismaamulka Gobollada iyo Degmooyinka, waxaan leeyahay wax ka beddel waa la sameeyaa oo 2001-dii waa lagu sameeyey xeerkan, markaa wax ka beddelkan aanu hadda maqalnay ee la doonayo in Golaha la soo hor dhigo, waxa ku jira oo aan aad ula yaabay Hargeysa Caasimad laguma sheegi karo ee Degmo ayaa lagu sheegayaa, markaa waxaan leeyahay caasimadii ma Muqdisho ayaad ka dhigteen, sidoo kale waxaad tidhaahdeen derajadeedu waa ‘A+’ ee Hargeysa ma qof ayey noqotay oo waa nooca dhiigeeda”.

Sidoo kale, Xildhibaan Xasan Shahar ayaa isaguna ka hadlay wax ka beddelka lagu sameynayo xasaanada mudanayaasha Golaha Degaanka waxaanu yidhi, “Qodobka ka hadlaya xasaanadu Golihii Deegaanka ee la soo wada doortay ayuu kala saarayaa oo wuxuu xasaanadii ku soo reebayaa Maayirka iyo Maayir ku xigeenka, waxaanan leeyahay kuwaasi iskamay iman ee cid ayaa ka dhigtay oo ah golaha Degaanka, markaa mudanayaal dadku si u soo wada doorteen oo laga yaabo inuu Maayir noqdo Mudanaha ugu codka yari ayaa midna xasaanad yeelanayaa midna aanu yeelaneyn ma habboona, markaa haddii uu Maayirku sharaf leeyahay waxa ka sii sharaf badan golaha xilkaasi u doortay”. Xildhibaanku waxa uu intaasi uu ku daray, “Golaha Wakiillada waxaan leeyahay maaha shaqsiga waxa xasaanada lihiye waxaan leeyahay dalka sharaftiisa iyo dimuqraadiyadiisa yaan meel lagaga dhicin”.

Xildhibaan Shahar, waxa kale oo uu farriin u diray Madaxweyne Muuse Biixi, “Madaxweyne, 353xildhibaan ee golayaasha degaanka ee dalka, waxaan isleeyahay ilaa 300xildhibaan ayaa Xisbiga Kulmiye ah, waxaanu Madaxweynuhu yidhi Sharcigu ha sareeyo, markaa Madaxweyne sharcigaasi ayeynu ilaalinaynaa oo aynu harreeraha ka joogsanaynaa”.

Dhinaca kalena, Xildhibaan Cismaan Xasan Faarax (Waxar) ayaa isaguna ka hadlay waajibaadka iyo heerka Golaha Wakiillada waxaanu yidhi, “Golahan Wakiillada ee imika jiraa 15 sanadood ayuu fadhiyey, wixii loo doortayna waxay aheyd in dalka Shuruuc iyo Xeerar kala haga ay u sameeyaan ee nasiib darro may aheyn inay fagaan oo ay intii jirtay sii baabiiyaan, markaa waa ayaan darro inay sii baabiiyaan xeerarka intii jirtay”. Xildhibaan Cismaan Waxar waxa kale oo uu farriin u diray golaha Wakiillada, “In Shuruucda la kaabo oo la sii horumariyo weeyi, waayo ummad aan sharci lahayni wax jira ma noqonayso haddii ay tahay dawlad iyo shacab ba, xataa ummadaa bila sharciga ahi waxa wanaagsan ee ay qabsadaan rukuno uu ku taagan yahay ma jirayo”. Ayuu yidhi Xildhibaan Cismaan Waxar

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

Leave a Reply