SOMCABLE

Hargeysa: Booliiska Oo Qabtay Dawo Loo Isticmaalo Maandooriye Ahaan Iyo Maxkamad Xukuntay Nin Dhallinyarada Kaga Dhex Iibin Jiray Farmasii

Hargeysa, 11 Feebarweri, 2018 (Himilo) – Ciidammada Booliiska ayaa soo bandhigay illaa 80 Litir oo Isbiirto ah, taasi oo Maandooriye ahaan loogu iibkeenay Magaalada Hargeysa.

Afhayeenka Ciidammada Booliiska Somaliland, ahna Taliyaha Ciidammada Nabadgalyada Faysal Xiis Cilmi oo Shalay Warbaahinta kula hadlay Magaalada Hargeysa, ayaa sheegay in Isbiirtada la qabtay lagu soo dhex qariyey Gaadhi kuwa Caanaha ka soo qaada Galbeedka Somaliland ee keena Magaalada Hargeysa.

Afhayeenka Ciidammada Booliska oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Ciidammada Booliisku waxay Abaarso ka soo qabteen Baabuur dhayne ah oo Lambarkiisu yahay 14968, baabuurkaas oo ka mid ah kuwa Galbeedka ka yimaadda ee Caanaha soo qaada, waxa la soo dhex geliyey Isbiirto ah Illaa Afar Jirikaan oo noqonaysa illaa 80 Litir oo Maandooriye ah, waxa lagu soo dhex qariyey Caanihii Dadka laga iibinayey.”

Afhayeenku waxa kale oo uu sheegay “Ciidanka Booliisku Gacanta ayay ku dhigeen Ninkaa watay Isbiirtada iyo Ninkii Gaadhiga wadayba, wayna xidhan yihiin, waxaana si deg-deg ah loo hor-geyn doonaa Maxkamadda Awoodda u leh..” ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey in dhawaan Maxkamadi xukun ku ridday Nin Farmasii ku haystay Magaalada Hargeysa, kaasi oo dhallinyarada Lacag yar kaga iibin jiray Isbiirtada “Hadda ka hor, Ciidammada Booliisku waxay qabteen Niman leh Farmasiiyo oo Dhallinyarada ka iibin jiray xidhmooyin Isbiirto oo waay kaga iibin jireen Lacag yar, Nimankaa Ciidanku way qabteen, Maxkamadda ayay hor-geeyeen, Ninkaa Farmasiiga leh waa lagala noqday Ruqsaddii, waana la xukumay, imikana wuxuu ku xidhan yahay Xabsiga dhexe ee Hargeysa..”

Isbiirtada oo daawo ay Dhakhaatiirtu u isticmaalaan nadiifinta Nabarrada, ayaa Dadka qaarkood u isticmaalaan Maandooriye ahaan.

Leave a Reply