SOMCABLE

Hargeysa: Agaasime Dhaawac Fudud Ka Soo Yeedhay Rasaas Uu Riday Askari Boolis Ahi

Hargeysa (Himilo) – Agaasimaha guud ee Wasaaradda Caafimaadka Somaliland ayaa ku dhaawacmay rasaas uu ku furey Askari ka tirsan ciidamada Booliska.

Dr Xergeeye oo rasaastu ay wax ka yeeshay Bowdyaha ayaa sheegay in askari ay iskugu yimaaddeen dhul wasaaradda caafimaadku ku leedahay dhinaca Waqooyi ee Cisbitaalka guud ee Hargeysa, halkaasi oo uu sheegay in Dad Shacab ahi ay si Sharci-darro ah dhismayaal uga bilaabeen.

“Dalka waa loo soo dhaawacmay oo loo dhintay, waan ku faraxsanahay inaan ku dhaawacmay anigoo qarankeyga u shaqeynaya” ayuu yidhi Agaasimaha oo la hadlay Telefiishanka Eryal

 Halkan Hoose ka Daawo Warkaasi oo Muuqaal ah

 

Himilomedia.com/Hargeisa Office

Leave a Reply