SOMCABLE

Hanti-dhowrka Qaranka Oo Albaabbada U Laabay Shirkad Heshiis Ammaanka Madaarrada Dalka Ah Kula Jirtay Xukuumaddii Hore

Hargeysa, 8 Feebarweri, 2018 (Himilo) – Hanti-dhowrka guud ee Qaranka, ayaa Albaabbada iskugu dhuftay oo Xidhay Xafiisyada Shirkad Magaceedu yahay SRM oo dhanka Amniga u qaabilsan Madaarrada Somaliland.

Shirkaddan oo sida la sheegay heshiis la gashay Xukuumaddii hore ee Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa hanta-dhowrku xidhay isla-markaana ka bilaabay baadhitaan.

Sidaana waxa xaqiijiyey Hanti-dhowraha Guud ee Qaranka Somaliland Axmed Yuusuf Dirir oo Shalay u warramay Telefiishanka Eryal, waxaanu yidhi “Way jirtaa inaanu Shalay (Doraad) tagnay xafiisyada Shirkadda Madaarrada Somaliland u xilsaaran ammaanka ee magaceeda loo soo gaabiyo SRM, Shirkaddaas Sharciga ayaa noo fasaxaya Haddii uu yahay ka Baarlamaanku ansixiyey iyo haddii uu yahay ka takaaliifta madaarrada ee 76/2016 ee xeerka hanta-dhawrka guud ee Qaranka Somaliland (Inaanu xidhno ama baadhno)..”

Hanti-dhowre Axmed Yuusuf Dirir waxa kale oo uu sheegay in markii ay tageen Xafiiska Shirkadda oo ku yaalla Madaarka Hargeysa si ay baadhitaan uga bilaabaan, balse ay Albaabbada u xidheen markii ay waayeen Masuuliyiintii Shirkaddaasi “Anagoo Waajibaadkayagii Dastuuriga ahaa fushanayna ayaanu galnay, waanuna xidhnay Xafiiskii Maamulaha Shirkadda iyo Xafiiskii xisaabaadka ee Shirkaddaasi oo la noo xaqiijiyey in labada masuulba Dubai ku maqan yihiin.”ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey inay wadayaan baadhitaanka ay ka wadaan Xafiisyada Shirkaddaasi inta ay imanayaan Masuuliyiintii Maamulayey “Markaa inta ay imanayaan si baadhistayadu u sii socoto, wixii war ahina waxay soo bixi doonaan marka aanu shaqadayada qabsanno.”

Hanti-dhowre Dirir waxa kale oo uu sheegay in Xafiisku sidiisa caadiga ah u shaqayn doono marka ay baadhistiisa dhamaystiraan “Inaanu Xafiis xidhno dakhli qabanaya waa Shaqadayada Maalinlaha ah ee caadiga ah, waxaanuna Qaranka u xilsaaranahay inaanu la socono xafiisyada kala duwan ee soo-saarka dakhliga, Tana waxay ka mid tahay Shaqadayada maalinlaha. Markaa waxaa noo fasaxaya sharciga baadhista hanti-dhawrka haddii la waayo masuulkii xafiiska in uu noo xidhnaado illaa uu ka imanayo qofkii shaqada gacanta ku hayey markaana aanu gudo galno baadhista, wixii ka dambeeya marka aanu shaqadayadaa ka qabsano xafiisku sidii loogu talo galay ayuu u shaqayn doonaa.”

SRM ayaa ah Shirkad Lacag ka qaadda Gaadiidka gelaya Madaarka Cigaal ee Hargeysa.

Gaadhi kasta oo gelaya Madaarka waxa loo jaraa tigidh yar, kaasi oo u saamaxaya inuu gudaha u galo Madaarka.

Leave a Reply