SOMCABLE

Hannaankee Ayaa Loo Oogaa Dacwadaha La Xidhiidha Eedaha Dambi Ee Masuuliyiinta Sare Ee Dowladda?-W/Q Ibraahim Khadar Siciid

Marka aan leenahay “masuul dowladeed,” (Public Official) waxa ay u baahan tahay lafteedu qeexid sharci oo rasmi ah, si ay u kala caddaato sharciyan derajadooda. Waxa aynu u kala qaadaynoa laba derejo oo kala ah;

  1. Sarkaal dawli ah (Public Officer) iyo
  2. Masuul dowladeed (Public Official)-macnaha u dhaw ee Soomaaliga.

Sarkaal dowladeed waxa uu Xeerka Ciqaabta Guud ku qeexaa, gaar ahaan qodobka 240 aad, “waa qof kasta oo si joogto ah ama ku-meel-gaadh ah, xor ah ama cawl-celin ahaan (For reward), mutadawacnimo ama waajibaad u gudanaya shaqo dawliya, sida sharci-dejin, adeeg maamul iyo adeeg garsoor, sababtoo ah danta qaranka ama hay’ad dawli ah.”

Sida muuqa qeexitaankan sare ma kala saarin heerka sarkaal dawli ah ama masuul, balse sharciyan kala noqonaysa sarkaal dawli ah oo ah mid xeerka shaqaalaha dowladdu lagu dhaqo iyo masuul dawli ah oo noqonaya mid ku magacaaban digreeto Madaxweyne ama doorasho ku yimaad (Xubnaha Saddexda Gole Qaran).

Sidaa darteed, dambiyada ay ka mid yihiin khiyaamo qaran ama dastuur-jebin ee lagu eedeeyo Wasiir ama Wasiir-ku-xigeen waxa ay leedahay hannaan dastuuri ah oo dacwadooda loo qaado, maxkamad u gaar ah iyo si gaar ah loo dhegaysto.

Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, qodobkiisa 96-aad, farqadiisa 4-aad waxa ay caddaysay in Xeer-ilaaliyaha Guud uu dambiyada qodobkan ku xusan (Khimaayo qaran iyo dastuur-jebin) eedooda uu u gudbinayo Madaxweynaha, haddii Madaxweynuhu ku qancana xil ka xayuubinta uu sameeyo, kadibna dacwad oogistu bilaabmayso. Sida ku cad qodobka 96 (4) ee dastuurka; “…..Waxaa warbixinta eedda uu Xeer-ilaaliyaha Guud u gudbin doonaa Madaxweynaha. Haddii Madaxweynuhu ku qanco warbixinta waxa uu Wasiirka ama Wasiir-ku-xigeenka ka xayuubin doonaa dhowrsannaanta. Haddii uu ku qanci waayo Madaxweynuhu warbixinta Xeer-ilaaliyaha Guud, wuxuu amrayaa inuu Xeer-ilaaliyaha Guud la noqdo dacwadiisa.”

Kaba soo qaad, Madaxweynuhu wuxuu ku qancay eedaas. Maxkamaddee ayaa awood u leh oo laga hor ooggayaa? Si fudud oo aan geed loogu gabban aan u sheego; waxa eeddaas qaadaysa Maxkamadda Sare ee Caddaaladda, sida u cad Dastuurka qodobka 96-aad, farqaddiisa 5-aad iyo Xeerka Nidaamka Garsoorka, qodobka 7-aad. Tusaale ahaan, dastuurku wuxuu dhigaa; “Waxaa eedda Ia xidhiidha Wasiirrada qaadi doonta Maxkamadda Sare ee Caddaaladda (High Court of Justice)….”

Marka laga yimaad in dastuurku caddeeyey sida loo ooggayo, halka lagu dhegaysanayo iyo cidda awood u leh inay dhegaysato, waxa jira laba arrimood oo dastuurku aannu si cad u sheegin oo u baahan fiirro sharci oo ahmiyadeeda leh, isla markaana keeni kara fakaag sharci (Legal gap).

Arrinka koowaad, dastuurku ma uu sheegin sida eedda loogu oogaayo Agaasimayaasha Guud oo ka mid ah Masuuliyiinta Sare ee digreetada Madaxweyne ku magacaabay, Madaxweynuhuna la xisaabtamo, sida ku cad qodobka 90-aad, farqadda 3-aad oo dhigaysa in awoodaha Madaxweynaha ay ka mid tahay magacaabidda iyo xil-ka-wareejinta madaxda sare ee dowladda oo ay ka mid yihiin Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha iyo Hay’adaha.

Sidaa darteed, eedayntoodu ma waxay la mid noqonaysa sida kuwa Wasiirrada iyo Wasiir-ku-xigeennada, kuwaasoo dastuurku caddeeyey sida loo eedaynayo iyo Maxkamadda qaadaysa? Halkaas fakaag sharci waa ku jiraa, balse maldahaadda (Legal Rational) waxa ay iftiiminaysaa in Agaasimayaasha Guud iyo Agaasime-waaxeedyada eedooda ay qaadayso Maxkamadda Gobolka oo ikhtisaasi u leh dambiyada musuq ay galaan muwaadiniinta iyo saraakiisha dawliga ah ee aan ahayn Wasiirrada oo dastuurku sheegay in dacwadooda ay dhegaysanayso Maxkamadda Sare ee Caddaaladdu.

Sidaa darteed, eedaynta masuuliyiintan iyagoo isku xeer loo adeegsanayo, haddana dambiyadooda waxa kala qaadi kara laba Maxkamadood oo kala sarreeya, maadaama dastuurka iyo Xeerka Nidaamka Garsoorku toos u sheegeen in Maxkamadda Sare ee Caddaaladda lagu qaadayo eeda dacwadda la xidhiidha dambiyada Saddexda Gole.

Arrinka labaad, waxa is waydiin mudan Maxkamadda lagu qaadi lahaa eeda Wasiirrada ma tahay mid waqtigan yagleelan. Xeerka Nidaamka Garsoorka (Xeer lbr 24/2003) oo wax-ka-beddel lagu sameeyey 2008, qodobkiisa 5-aad, farqadda 2aad waxa ay sheegtaa in ay Maxkamadaha dalku ka kooban yihiin:

  1. Maxkamadda Dastuuriga ah (Constitutional Court)
  2. Maxkamadda Sare (Supreme Court)
  3. Maxkamadda Sare ee Caddaaladda (High Court of Justice)
  4. Maxkamadda Rafcaanka gobollada (Regional Appellate Court)
  5. Maxkamadda Gobollada (Regional Court)
  6. Maxkamadda Degmooyinka (District Court)
  7. Maxkamadda Ciidammada Qaranka (Army Court)

Marka laga yimaad Maxkamadda Ciidammada qaranka oo hannaan gaar ah leh, waxa jira laba heer Maxkamadeed oo ah darajada koowaad (Rafcaan, gobol iyo Degmo) iyo darajada labaad (Dastuuriga, Sare iyo Maxakamadda Sare ee Caddaaladda), sida xeerka Nidaamka Garsoorku caddeeyo. Waliba sida xeerku u kala horraysiiyey waxay u muuqata in Maxkamadda Dastuurigu ugu sarrayso, balse dastuurka oo ah xeerka inoogu sarreeya xeerarka aynu dhiganay, qodobkiisa 101-aad waxa uu xusa Maxkamadda Sare tahay hay’adda u sarraysa ee garsoorka, isla markaana ah Maxkamadda Dastuuriga. Sida la isu waafajinayo arrimahan waa mid u baahan sharciyadeeda, maadaama xeerka nidaamku kala saaray.

Sida ku cad Xeerka Nidaamka Garsoorka, qodobka 7-aad, farqadda 3-aad, Maxkamadda Sare ee Caddaaladdu waxay awood u leedahay dhegaysiga iyo ka go’aan gaadhidda dacwadaha ciqaabta ah ee lagu soo ooggo xubnaha saddexda gole (Golaha Wasiirrada, Golaha Wakiillada iyo Golaha Guurtida)-halkaas lafteeda waxa ku cad in Agaasimayaasha Guud ay ka baxayaan xayn-daabka sharci ee xubnaha Maxkamadan la hor keenayo.

Waxa xusid mudan sida uu sheego dastuurka qodobka 96 (5) iyo Xeerka Nidaamka Garsoorka qodobka 7 (1) Maxkamadda Sare ee Caddaaladda (High Court of Justice) waxa ay ka koobnaanaysa Guddoomiyaha Maxkamadda Sare; afar garsoore oo ka tirsan Maxkamadda Sare iyo afar xubnood oo ka tirsan Golayaasha Baarlamaanka (Guurti iyo Wakiillada) oo Gole waliba soo doorto laba xubnood.

Iyadoo ay fududahay in si degdeg ah Maxkamadda Sare ee Caddaaladda loo dhiso, maadaama la helayo xubnaha dhidibka u ah dhegaysiga dacwadan, balse waxa iman karta dabbar dhinaca hannaanka dacwad dhegaysiga ah, maadaama aanay jirin khibrad hore oo ku saabsan Maxkamadan. Xubnaha sharciyaqaannada ah wax caqabad ah kuma yeelanayso hannaanka dhegaysiga dacwaddu, balse xubnaha Golayaasha Barlamaanka ka imanaya waxay u baahanayaan in loo eego khibradooda sharci si ay u fahmi karaan hannaanka sharci ee dhegaysiga dacwadda.

Waxa xusid mudan in Maxkamadda Sare ee dalku muddo inoo dhisnayd, balse Maxkamadda Dastuuriga ah iyo Maxkamadda Sare ee Caddaaladda oo xilli le’ ah aanay wali dhisnayn, una baahan yihiin in la dhiso oo garsoorkii khibradda u lahaa la helo.

Labada arrimood waa laba u baahan in fahan sharci loo yeesho. Sharcigu waxa uu u baahan yahay fahan dheeraad ah iyo in la isla eego dastuurka iyo shuruucda kale ee dalka taala. Macnaheedu maaha in aan ka sii hordhacay eedaha musuq ee loo haysto masuuliyiinta, balse waa arrin iman karta mar kasta, maadaama aynu galnay yidiidilo la-dagaalan musuqmaasuq.

Wixii aan ka tegay ama dood ama sixid garyaqaannada kale ayaan uga tegay.

Allaah Mahad Leh

Ibraahim Khadar

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

Leave a Reply