SOMCABLE

Hal Qof Oo Ku Dhaawacmay Rasaas Habeennadii U Dambeeyay Laga Maqlayey Magaalada Burco

Burco, 25 Abriil, 2018 (Himilo) – Hal qof baa ku dhaawacmay Rasaas aan Cidda soo ridday
aan la garanayn oo xilli habeennimo ah ku dhacday Guri ku yaalla Xaafadda Plaza ee
Magaalada Burco.
Xabadda halka Qof ku dhaawacmay la sheegay inay ka mid tahay Xabado habeennadii u
dambeeyay lagu ridayey Guryo ka mid ah Xaafadda Plaza ee Magaalada Burco, wallow
aan illaa hadda la aqoonsan Cidda rasaastaa oo khatarteeda leh soo ridaysa.
Rasaastan oo Cidda soo ridaysaa aanay u aabbo yeelayn Carruur iyo Waayeel midna, ayaa
halka Qof ee ku dhaawacmay uu yahay Cabdi Mataan oo mid ah dadka deggan xaafadda
Plaza ee Magaalada Burco.
Cabdi Mataan oo rasaastu ku dhacday isagoo fadhiya Qolkiisa Hurdada oo ay la joogeen
laba Carruur ah iyo Xaaskiisu, ayaa ka warramay sida Rasaastu ugu dhacday iyo sida aan
illaa hadda loo aqoonsan Cidda Rasaastaa ridaysa “Inta aan tukaday 8-dii habeennimo
ayaan jiifsaday Sariirta oo ay barbarkeeda kale ku fadhiyeen Gabadha iyo Laba Carruur ah,
Qac baan maqlay, dabadeedna waxaan mooday in Laydhku qarxay oo uu igu soo dhacay,
dabadeedna waan kacay, markaan arkay in Guluubkii baxayo ayaan taabtay halkii Addinkii
ay Rasaastu igaga dhacday oo markiiba dhiig ka soo booday, halkii ay ka baxayseynayna
way ku qabowday oo waxaan arkay iyadoo ka soo taagan, markaas ayaan xaqiiqsaday inay
xabadi igu dhacday.”
Cabdi Mataan oo u warramay Telefiishanka Star ayaa sheegay in markii uu dhaawacmay
ay u yimaaddeen Ciidammada Amnigu isla-markaana la yeesheen Waraysi, isaguna uu u
sheegay sida Rasaastu ugu dhacday, intaas ka dibna ay u sheegeen in Rasaasta ku
dhacda laga soo riday meel sare, sida fooq oo kale.
Cabdi Mataan iyo Dadka kale ee Xaafaddaa ku dhaqani waxay Dawladda ka codsadeen in
loo sameeyo Rug Boolis, maaddaama oo aanay xaafaddaasi lahayn Rug Amni ama Saldhig
Boolis.

Leave a Reply