SOMCABLE

“Haddii Qabyaalada Si Dhab Ah Wax Looga Qaban Oo Ka Bilaabmaysa Madaxweynaha, Haddii Uu Ina Dhegaysanayo Oo Wax Looga Qaban Si Cilmiyeysan Oo Geesinimo Ku Dheehan Tahay Waxay Noqonaysaa Inay Sii…”-Prof Samatar

“Golaha Wakiilladu Waa 82xubnood, Beesha Isaaq Waa 56xubnood, Beelaha Kalena Waa 26xubnood…Ileyn Waxa La Doonayaa In Dalkii La Xalaaleeyo’e…”-Prof Samatar

Hargeysa, 11 Apr, 2019 (Himilo)-Siyaasi Prof Axmed Ismaaciil Samatar ayaa si adag uga digay heerka Qabyaaladu ka marayso dalka Somaliland oo soo bandhigay saamaynta taban ee ay Qabyaaladu ku yeelan karto Horumarka, Caddaalada, iyo Midnimida Ummadda.

Prof Samatar, waxa uu arrintaasi kaga hadlay kulan habeen hore uu ka qayb galay oo lagu xarunta guud ee barashada Xorriyada oo la yidhaa ‘Freedom Center’ oo ku taalla Caasimada Somaliland, waxaana kulankaasi ka soo qayb galay Masuuliyiin, Siyaasiyiin, Aqoonyahano, Dhallinyaro, Haween iyo marti sharaf kale oo tiro badan.

Kulankan oo ujeedadiisu aheyd bandhiga Qabyaalada iyo Waddaniyada ayaa waxa dadkii ka hadlay ka mid ahaa Prof Axmed Ismaaciil Samatar, isagoo arrintaasi ka hadlayana waxa uu yidhi, “Waxaan arkayaa in bahashaa Qabyaalada la yidhaa inay abuurtay oo ay sii abuurayso Dad dan yar oo shaqsi ah wata, iyo inay sii abuurayso caddaalad xumo, iyo inay sii abuurayso karti darro ayaan ku arkayaa intii aan anigu Somaliland dhex marayey”, Prof Samatar waxa kaloo uu intaasi ku daray, “Markaa Somaliland waxay noqotay meel ay ku dhex abuurmayso sidii Ayaxa Bulsho maskaxdooda ay ku jirto amase ay ku yar tahay waddaniyadu, taasina waxay keenaysaa raasamaalkii lagu wajihi lahaa Innaga…Innaga inay naafaynayso qabyaaladu ee ahaa ku dhawaaqii Xorriyadii Somaliland la soo noqotay, iyo in aynu dhisayno dal cusub oo adduunyada ka mid noqonaya”.

Intaasi kadibna, Prof Axmed Ismaaciil Samatar waxa uu Madaxweynaha usoo jeediyey tallooyin ku saabsan sidii wax looga qaban lahaa dhibaatada qabyaalada, “Haddii taa (Qabyaalad) wax laga qaban oo aan si dhab ah wax looga qaban oo ka bilaabmaysa Madaxweynaha Dalka iyo Dawladiisa haddii uu ina dhegaysanayo, haddii aan wax laga qaban oo waliba wax looga qaban si cilmiyeysan oo geesinimo ku dheehan tahay waxay noqonaysaa inuu xummaanayo raasamaalkii loo soo dagaalamey”.

Dhinaca kale, Prof Samatar waxa uu mar kale ka hadlay heshiiskii xilligii ololaha doorashada Madaxtooyada ay wada galeen Madaxweyne Muuse Biixi oo uu sheegay in aanay ka fulin dhinaca Madaxweynaha, kaasi oo wax ka tari lahaa halista qabyaalada “Anigu waxaan ku taliyey haddii Xisbiga Kulmiye guuleysto oo uu Muuse Madaxweyne noqdo oo uu isagu markhaati iiga yahay in la sameeyo 20wasiir oo layska tuuro Wasiiru dawle iyo ku xigeen ba waayo dalku ma qaadi karayo, intaasi ayaana saami qaybsiga lagu sameynayaa si laysugu soo dhawaado oo ay u yaraato waxa lays dheer yahay, mar haddii Madaxweynuhu uu ka yimmi bulshada tirada badan oo ay ugu yaraan 9Wasiir noqdaan Beesha Isaaqa, 11Wasiir ee kalena ay noqdaan Beelaha aan Isaaqa aheyn”. Ayuu yidhi Prof Samatar

Ugu dambayntiina, Prof Axmed Ismaaciil Samatar waxa uu tilmaamay saamiga beelaha ee Baarlamaanka hadda jooga “Baarlamanku (Golaha Wakiillada) waa 82xubnood, waxaana Beesha Isaaqa ah 56xubnood, beelaha aan Isaaqa aheyna waa 26xubnood, markaa sida taasi oo loo soo ururinyo, ileyn waxa la doonayaa in dalkii la xalaaleeyo, waxaana xalaalayn kara oo keliya dadka ugu quwada weyn oo ah dadka ugu tirada badan oo ay tahay inay wax ka tagaan oo ay kaalintooda qaarkood inay sii sarrifaan, markaa dawladda aan anigu dhisi lahaa taasi oo kale ayey aheyd oo waan ku taliyey is sidaasi la yeelo, balse taladaasi may shaqayn sababta ay u shaqayn weydayna hala weydiiyo Muuse Biixi ee aniga maaha”. Ayuu yidhi Siyaasi Prof Axmed Ismaaciil Samatar

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

Leave a Reply