SOMCABLE

Hadalkii Wasiiru-dawlaha Imaaraadku Wuxuu Sii negaynayaa Saamaynta Dawladdiisa Ee Soomaaliya !!

Xidhiidhada u dhexeeya Somalia iyo dawladDa isu taga imaaraatka carabtu ilaa bishii June
ee sanadkii 2017-ka waxa ay ahaayeen kuwo aan daganeyn. Waxaana dawladda Somalia
cadaadis lagu saaray in ay laba fikradood mid taageerto, oo ah in ay taageerto imaaraatka
iyo sucuudiga ama in ay taageerto Qatar, kadib markaas oo waddamada carabtu ay
ahaayeen kuwo sii balaadhinayey baaxadda istaraatejiyada saamayntooda siyaasad-
dhaqaale; una kala dheeraynayey taageerada wadamada geeska Afrika, sida Somalia,
Somaliland, Djabouti iyo Eretria.
Cadaadiskani waxa uu bilaabmay kadib markii imaaraatka iyo sucuudigu ay soo jeediyeen
in Qatar la saaro cunaqabatayn ka dhan ah eedaymo la xidhiidha maalgalinta ay Qatar siiso
kooxaha argagixisada ah. Qatar waxa ay si adag u diiday eedaymaha; waxana ay ku
tilmaantay waxba kama jiraan laakiin Somalia waxa ay dhigtay mawqifka ugu adag inkasta
oo labada dhinac ee kaleba ay Somalia soo taageerayeen sanado badan.
Ugu horeynba Somalia waxa ay taageertay Qatar, laakiin in ay sucuudiga iyo imaaraatka si
bilaa kalsooni ah ula xulafawdo waxa ay go’aansatay bishii September ee 2017-kii.
Iyada oo ay taasi jirto, oo xidhiidhka diblomaasiyadeed ee khaliijku aanu fiicneyn, Somalia
waxa ay xulafo la noqotay Qatar oo neceb isu taga imaaraatka iyo sucuudigaba, dhanka
kale Somaliland iyana waxa ay xulafo la noqotay isutaga imaaraatka oo sucuudiga la xulafo
ah. sidaasi darteed, Somalia iyada oo ku dhaqmaysa xikmada ah, “Cadawgaaga saaxiibkii
waa cadawgaaga, saaxiibkaa cadawgiisuna waa cadawgaaga, waatii maalintii dhawayd ee
lacagta diyaaradda loogu soo qaaday mawqifkeeda caddaysay; sababtuna wax kale ma
aha ee waxa ay ka xumaatay xidhiidhka sii xoogaysanaya ee u dhexeeya Somaliland iyo
isu taga imaaraatka carabta; waxaana ay ogaatay in aanay imaaraatka ka helayn waxa ay u

baahan tahay; waxaana ay ka hawlgashay sidii ay xidhiidhka ugu jari lahayd amaba ay u
carqaladayn lahayd xidhiidhka uu Somaliland la leeyahay, waanay ku guuleysatay iyada oo
kaashaneysa BBC-da, waxaana dabada ka riixaysay oo ku boorisay dawladda Qatar oo
imaaraatka iyo sucuudigaba cadawgeeda koowaad u aragta.
Sidaas oo ay tahay, hadalkii maalintii dhaweyd ka soo yeedhay wasiiru dawlaha arimaha
dibedda ee imaaraatku Mr. Qarqaash, ma uu ahayn mid nasteex loo lahaa, balse waxa uu
ahaa madax u buuxin ama laba shimbirood hal dhagax ku wada dil. Iyada oo la ogyahay
xidhiidhka ka dhexeeya imaaraatka iyo Somaliland in uu yahay mid aad runtii uga
balaadhan ka Somalia uu la leeyahay, haddana, hadalkaasi waxa uu ahaa mid la xidhiidha
Geo-political ama sii negeynta saamaynta siyaasadeed ee imaaraatku uu ku leeyahay
Geeska Afrika gaar ahaana Somalia. Waayo waxa uu diidayaa in Qatar oo cadawgiisa ahi
ay kaga saamayn badnaato. Markaas waxa aan leeyahay, ha u yaacina, loolanka
siyaasaddu wuu sii socon doonaa; waanu sii jiri doonaa insha allah.
Hawl iyo Higsi Qaran
Maxamed Cabdikariim Axmed
moxamedshiil@gmail.com

Leave a Reply