SOMCABLE

“GUURTIDA Ma Gobollo Ayaa Lagu Qaybinayaa, Mise Sidii Hore Ayaa Qabaa’il Loogu Celinayaa, Ma Xisbiyo Ayaa Laga Dhigayaa, Ma Marka Laandheeruhu…”-Xildhibaan Indho-Indho

Golaha Guurtida Oo Bilaabay Xog Ururin Ku Saabsan Qaabkii Dib Loogu Soo Dooran Lahaa

Berbera, 10 Oct, 2019 (Himilo)-Mudanayaal ka tirsan Golaha Guurtida JSL ayaa si rasmi ah Dalka uga bilaabay kulamo ay ku baadi doonayaan aragtida Bulshada ee ku aadan sidii Golaha Guurtida lagu soo dooran lahaa, taasi oo ay uga gol leeyihiin in ay u adeegsadaan diyaarinta Xeerka lagu soo dooranayo Golahaasi.

Haddaba, Kulankii ugu horreeyey ee ku saabsan xog ururintaasi ayaa Mudanayaal si gaar ah hawshaasi loogu xil saaray waxay shalay Magaalada Berbera kula yeesheen Cuqaasha Gobolka Saaxil.

Kulankaasi oo uu furay Guddoomiyaha Gobolka Saaxil Axmed Cismaan Xasan, waxaanu Cuqaasha ku war geliyey in ay isugu yimaadeen kulan lagaga wada tashanayo sidii dib loogu soo dooran lahaa Golaha Guurtida Somaliland.

Sidoo kalena, Xoghayaha Golaha Guurtida JSL Mudane Cabdinaasir Aadan Beegsi, ayaa ka warramay ujeedada kulankan iyo ahmiyadda uu leeyahay ba, waxaanu yidhi, “Kulankan aynu isugu nimid ujeedadiisu waa Aasaaska Xeerka Golaha Guurtida”. Xoghayuhu waxa kale oo uu intaasi ku daray, “Sida aynu wada ognahay Golaha Guurtidu waa Gole Dastuuri ahna Hay’adaha Sharci dejinta waana Gole lagu soo caano maalay intii ay Somaliland jirtay ba”.

Xildhibaan Cabdiqaadir Indho-Indho oo ka mid ah Golaha Guurtida ayaa isaguna kulankaasi ka hadlay waxaanu yidhi, “Waxaanu idiinku nimid wada tashi oo Goluhu Dastuurka ayuu ku qoran yahay shuruucdiisa iyo qaabka lagu soo dooranayo, laakiin waxa dhiman qaabkee ayuu noqonayaa oo ah ka wada tashi ma Gobollo ayaa lagu qaybinayaa, mise sidii hore ayaa Qabaa’il loogu celinayaa, ma Xisbiyo ayaa laga dhigayaa, ma marka Laandheeruhu xaga Golaha Wakiillada galo ayaa ka dhaca la geynayaa, talo ayaa idinka rabbaa”. Ayuu yidhi Xildhibaan Indho-Indho

Dhinaca kalena, Cuqaasha Gobolka Saaxil ee ka soo qayb galay kulankaasi lagu ururinayey aragtida Bulshada ee ku saabsan Xeerka lagu soo dooran doono Golaha Guurtida ayaa  Mudanayaasha u soo jeediyey tallooyin kala duwan,

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

Leave a Reply