SOMCABLE

Guddoomiyaha WADDANI Oo Markii Ugu Horreysay Ka Hadlay Shir Beeshiisu Doonayso Inay Ku Qabato Burco Oo Khilaaf Ka Dhex Abuuray Madax-dhaqameedka Waaweyn

Hargeysa, 7 Feebarweri, 2018 (Himilo) – Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa markii ugu horreysay ka hadlay shirka la hadal hayo ee beeshiisa iyo kulankii dhawaan ay yeesheen Madaxweynaha iyo labada Guddoomiye ku xigeen.

Guddoomiyaha Xisbiga Waddani oo ka hadlaya shirka Beelaha Gar-xajis, ayaa waxa uu yidhi “Waa laba arrimood oo dadka qaarkood laga yaabaa iyagoo dano gaar ah ka leh inay isku eekaysiiyaan Axsaabta Qaranka iyo Reeraha, markaa Xisbiga Waddani waxa uu ka mid yahay Axsaabta Qaranka, Reerkaa aad sheegtay ee aan ka soo jeedaana waxa uu ka mid yahay reeraha Somaliland”.

Cabdiraxmaan-Cirro waxa kale oo uu ka hadlay shirarka Reeraha, “Reeraha Somaliland hore ayey u shireen oo wax cusub maaha oo way shiri karaan, kuwii hore ee shiray ayuun bay la mid yihiin, sharci ka yaalla Somaliland oo lagu hagayo shirarka reerahana ma jiro”.

Sidoo kale, Cirro wuxuu tilmaamay in aanu jirin qorshe cusub oo Xukuumadda Kulmiye ku waajahayso shirarka Reeraha, “Xukuumadda Kulmiye ee cusubi na siyaasad cusub oo ay ku maamuleyso arrintaasi ma jirto, markaa waxaan u arkaa shir caadi ah oo reerkaasi ah, haddii uu shirayo, haddii kaleba, iyo haddii uu dib u dhigayo, haddii aanu dib u dhigayn, waana arrin reerka khusaysa oo aan Xisbiga Khusayn”.

Dhinaca kalena, Cabdiraxmaan-Cirro waxa uu ka warramay kulankii dhawaan uu Madaxweynuhu la yeeshay guddoomiyeyaasha Xisbiyada Waddani iyo UCID  “Yeedhmada Madaxweynaha ayaa lahaa, labada qodob ee ugu muhiimsanaa waxay ahaayeen qabsoomidda doorashooyinka Golaha Wakiillada iyo Goleyaasha Deegaanka oo ku muddaysan inay qabsoomaan bisha saddexaad ee 2019, sida uu Madaxweynuhu sheegay Guddiga doorashooyinka wuu u yeedhay oo talo ayuu weydiiyey, soo jeedin ayey u soo gudbiyeen, soo jeedintaasina waxa uu u diray golaha Wakiillada iyo Guurtida, waxaanu ugu yeedhay Xisbiyada inay arrimaha doorashada ka wada tashadaan oo ay xisbiyaduna qayb ka noqdaan qabyo-tirka doorashooyinka, sidii awalba dhaqanku ahaan jiray”. Waxaanu intaasi ku daray “Arrinta labaadna waxay aheyd in Xukuumaddu dib u bilaabayso wada-hadalladii ka dhexayn jiray Somaliland iyo Soomaaliya oo hadda laga yaabo inay dawlado badan oo aan hore ugu jirin ku soo biiraan, muddo ay bilaabmayaana Madaxweynuhu noomuu sheegin, laakiin wixii talooyin ah ee axsaabtu ka bixinayaan ayuu u soo jeediyey Madaxweynuhu, wixii kalena waxay ahaayeen xaaladda guud”.

Ugu dambayntiina, Cabdiraxmaan Cirro waxa uu sheegay in sicir bararku uu ragaadiyey nolosha ummadda, isla markaana xisbiga Waddani uu mawqif cad ka soo saari doono.

Shirka Beelaha Gar-xajis ayaa khilaaf ka dhex abuuray Suldaanka Guud ee Beelaha Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir oo ku dhawaaqay inuu shirkaa hakiyey iyo Suldaan Cismaan Suldaan Cali Madar oo ka mid ah Madax-dhaqameedka waaweyn ee Beesha Gar-xajis, kaasi oo doonaya in la qabto Shirkaasi.

Leave a Reply