SOMCABLE

Guddoomiyaha UCID Oo Sheegay In Hab-dhaqanka FARMAAJO Uu Khatar Ku Yahay Soomaali Oo Dhan

Hargeysa (Himilo) – Guddoomyaha xisbiga Mucaaradka ah ee UCID, Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa cambaareeyey xadhigga siyaasiga Mukhtaar Rooboow Abuu Mansuur ee Dalka Soomaaliya, ,isla-markaana cambaareeyey hab-dhaqanka Madaxweyne Farmaajo iyo Ciidanka AMISOM .

Sidoo kale, waxa uu Faysal tacsi u direy dadkii ku geeriyooday rabshadihii ka dhacay magaalada Baydhaba ee xarunta Gobolka Baay ee Soomaaliya, waxaanu arrintaasi ku eedeeyey Madaxweynaha Soomaaliya Farmaajo oo uu sheegay inuu u xuubsiimanayo kalitalisnimo iyo inuu ciidanka Amisom u adeegsanayo dadka ay siyaasadda isku hayaan.

“Madaxweyne Farmaajo wuxuu ku yimid niyad wanaag iyo soomaalinimo, balse imika dhaqanka uu la soo baxay Soomaali oo dhan buu khatar ku yahay, wuxuu ku dhaqmayaa Digtaytarnimo aan la arag oo aanu u hubsamaysan.”ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe.

Faysal waxa uu tilmaamay qodobo uu ku talaabsaday adaxweyne Farmaajo, taas oo uu tilmaamay inay dastuurka ka soo horjeedo, waxaanu yidhi “Waa markii ugu horeysay ee Muqdisho inuu nin xildhibaan ah gurigiisa ku weeraro oo uu dad ku laayo, waxa kale oo uu sameeyey dastuur jabin iyo heshiishyo qarsoodi ah oo Jabuuti iyo inagaba (Somaliland) lidi innagu ah, wuxuu wadaa inuu dalbado ciidamo shisheeye ah oo Itoobiya iyo Eritrea uu yidhaahdo kaalaya xukunka ila xejiya.”.

Mar uu ka hadlayey Ciidamda AMISOM waxa uu sheegay inay farogalinayaan arrimaha siyaasadda ee waddanka Soomaaliya, waxaanu yidhi “Waxaan cambaaraynaya ciidanka AMISOM oo wixii dalka loo keenay ka tagtay oo farogalisay siyaasaddii waddankaasi gudihiisa oo dadka siyaasadda isku haya u kala eexatay oo soo qabatay sheekh Mukhtaar Roobow, waxaan leeyahay ciidamda shisheeye meesha ha laga saaro .”.

Faysal ayaa sidan ku sheegay Shir-jaraa’id oo uu Maanta ku qabtay Magaalada Hargeysa.

 

Himilomedia.com/Hargeisa Office

Leave a Reply