SOMCABLE

Guddiga Tacliinta Sare Oo Mushaharkii Ka Hakiyey Wasiirkii Hore Ee Maaliyadda Oo Madaxweynuhu Ku Daray

Hargeysa, 3 Feebarweri, 2019 (Himilo) – Guddiga Tacliinta sare ee Qaranka Somaliland, ayaa sheegay inay si ku meel-gaadh ah Mushaharka uga hakiyeen Wasiirkii hore ee Wasaaradda Maaliyadda Yuusuf Maxamed Cabdi oo Madaxweynuhu Guddigaa ku daray markii uu xilka ka qaaday.

Guddoomiye ku-xigeenka GuddigaTacliinta sare ee Qaranka, Maxamed Axmed Sheekh Muumin, ayaa sheegay in Maamulka Guddiga Tacliinta sare ay Mushaharka ka hakiyeen Wasiirkii hore ee Maaliyadda Somaliland Yuusuf Maxamed Cabdi oo guddigaa ka mid ah, ka dib markii buu uu iman waayay shaqada.

Maxamed Axmed Sheekh Muumin oo arrimahaa ka hadlaya ayaa sheegay in Xubnaha Guddigaasi ay shaqada yimaaddaan, balse Wasiirkii hore ee Maaliyadda ee Madaxweynuhu ku daray guddigaasi aanu soo shaqo tagin, waxaanu yidhi  “Intii kale way wada timaaddaa ee waxaan uman uun Wasiirkii hore ee Wasaaradda Maaliyadda oo illaa hadda maqan.”

 

Guddoomiye ku-xigeenku wuxuu sheegay inay Yuusuf Maxamed Cabdi ka soo gaadhay farriin ah inay Mushaharka u soo diraan “Mar bay farriin na soo gaadhay uu leeyahay Lacagtii hala ii soo diro (Mushaharkii), dabadeedna waxaanu nidhi horta soo shaqo tag, Waayo? Waddanka waa inaad u shaqayso, lama eego Waddanku wuxuu kuu qabto ee waxaad Adigu u qabato ayaa la eegaa, markaa kaas ayuun baa naga maqan, hadduu yimaaddana waanu soo dhaweynaynaa.” Ayuu yidhi Maxamed Axmed oo u warramayey Telefiishanka Eryal Shalay, waxaanu intaa ku daray isagoo ka jawaabaya su’aal laga waydiiyey inay arrintan ku wargeliyeen Madaxweynaha “Maya Wallaahi, Madaxweynuhu Arrimo ka waaweyn ayuu hayaa oo Ummaddii oo dhan ayaa hor taagan, markaa waxaanu nidhi tan Annagaa ku filan, markaa hadduu yimaaddo waanu soo dhaweynaynaa.”

Guddoomiye ku-xigeenku waxa kale oo uu sheegay inay xidhiidheen Wasiirkii hore ee Maaliyadda iyo iyo Guddoomiyaha Guddiga Tacliinta sare “Waxa igu maqaallo ah in Guddoomiyuhu la xidhiidhay oo uu ku yidhi Lacagtii lama soo deynayo, markaa Mushaharkii lama siinin, inuu qaato ayay ahayd, laakiin wuu ka joojiyey Guddoomiyuhu, waxaanu yidhi marka uu soo shaqo tago ee aanu aragno ayaanu u furaynaa Mushaharka…”ayuu yidhi.

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

Leave a Reply