SOMCABLE

Guddiga Qaran Ee Xal U Helidda Sicir-bararka Oo Fasiraad Ka Bixiyey Go’aamo Ay Dhawaan Soo Saareen, Shacabkana Farriin U Diray

Hargeysa, 8 Feebarweri, 2018 (Himilo) – Guddida heer qaran ee Madaxweynaha Somaliland dhawaan u magacaabay Xal u helista Sicir-bararka dalka ka jira iyo tayeynta shilinka Somaliland, ayaa ka warbixiyey hawlaha loo xilsaaray ilaa hadda halka ay wax marayaan, waxaana guddidu ay beenisay inay Xukuumaddu shirkadaha adeegyada lacagaha ee Mobile-da ku dira Cadaadis ku saarayso qorshahan loo xilsaaray iyada oo guddidu dhinaca kale bulshada ka codsatay inay kaga diyaar garoobaan mudadii 45-ka maalmood ee loo qabtay in la joojin doono in Mobile-ka lagu diro $100 lacag ka yar.

Shir Jaraa’id oo Hargeysa ay ku qabteen Guddida xal u helida Sicir Bararka lacagta ee  dalka Somaliland ka jira, waxay sidoo kale ka hadleen farqiga u dhexeeya guddidii Xukuumaddii hore ee Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo) u saaray xal u helista Sicir-bararka dalka ka jira iyo Guddidoodan cusub ee Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi u saaray arinta Sicir Bararka  waxay kula duwan yihiin, iyaga oo guddidu shacabka ugu baaqday inay ka diyaar garoobaan go’aamada la soo saaray ee xal u helida Sicir Bararka oo Xukuumaddu fulin doonto mudada la qabtay markay dhamaato.

Guddoomiyaha Baanka dhexe ee Somaliland Maxamed Cabdi Ibraahim (Dhoobaale) oo ugu horeyn ka warbixiyey ujeeddada  iyo qorshaha u u xilsaaran yihiin kana shaqaynayaan guddidoodan heer qaran ee Madaxweynaha Somaliland u magacaabay  xal u helida Sicir bararka dalka ka jira iyo tayeynta lacagta shilinka ee Somaliland waxaanu yidhi “Qorshuhu waxa weeye in lacagteenii shilinka ee qaranka Somaliland oo dadku isticimaalo oo lacagtii shilinka ee qaranku lahaa la dhiirigeliyo oo horumar lagu sameeyo, talaabooyinkan la rabo oo ay ugu horeeyaan inay fuliyaan Bangiyada gaarka loo leeyahay iyo Bangiga Ganacsigu oo ah mid ay dawladdu leedahay oo imika la soo wado isagana, waxaana dhawaan aanu qorshaynaynaa in dhawaan lagu dhawaaqi doono Bangiga ganacsiga oo ay leedahay dawladda Somaliland oo noqon doona Bangi gaar u istaagi doona kaasi oo imika ku dhex jira Bangiga dhexe ee dawladda Somaliland”

Md. Maxamed Cabdi Ibraahim (Dhoobaale) oo wax laga waydiiyey go’aamadii Xukuumaddii hore ee Madaxweyne Siillaanyo Xal u helida Sicir Bararka ka soo saartay ee aan fulin iyo go’aamada xukuumadda cusubi ka soo saartay Sicir Bararka dalka ka jira waxay ku kala duwan yihiin waxa uu yidhi “Go’aanadani horta hore way u soo baxeen qaarkood, qaarna imika ayaa lagu daray hase-yeeshe wakhtiga ay soo baxeen iyo wakhtiga ay maanta go’aanadan dambe soo baxeen waa laba wakhti oo kala duwan, go’aamadii xukuumaddii hore waxay soo baxeen wakhti aynu doorasho ku jirnay oo wixii miyir qababa ee lala hadlo adba sheeg ayey ahaayeen go’aanaddii xal u helida Sicir bararka dalka ka jira ee xukuumaddii hore markii hore soo saartay, laakiinse maanta waa dawlad cusub qodobaddana sidooda ayey u hirgelayaan, waxaynu shacab ahaan iyo dawlad ahaanba inta badan raadina waa Ictiraafka Somaliland sida darteed calaamadaha Somaliland aynu Ictiraafkeeda ku raadineyno waxyaalaha aynu leenahay ee sida Dastoorka, Calanka , Madaxweynaha, Baasaboorka, Baarlamaanada iyo Lacagta shilinka Somaliland ee ka mida waxyaalaha aynu sameysanay, ayaa dalkeena muwadiniintiisa waa in ay ku faanan calaamadahaasi iyo astaamaha qarankoodu leeyahay, sida darteed waxa laysla gartay in lacagtii shilinka ee Somaliland meel loo sameeyo oo adeegyadii shirkadaha E-DAHAB iyo ZAAD-ka laga saaro wixii $100 dollar ka yar ”

Wasiirka Xannaanada Xoolaha ee Somaliland Xasan Maxamed Gaafaadhi oo isagu faahfaahin ka bixiyey qodobadda hawsha ay u xilsaaran yihiin ee ay ka shaqaynayan  guddida heer qaran ee Xal u helida Sicir bararka iyo tayeynta lacagta shilinka ee Somaliland waxaanu yidhi “Waxaanu dooneynaa in aanu idiin sheegno in Barnaamijka aanu wadnaa yahay mid balaadhan oo uu si balaadhan u deraasaynayo ama uu dib u eegis ku sameynayo qaabka siyaasadda lacagta ee saameynta ku leh dhaqaalaha dalkeena Somaliland, waxa ka mid ah in la eego sababaha keenay in uu shilinka Somaliland hoos u dhaco, waxaana weeye ku shubashadu waa inay imikaba bilaabanta oo ay dadku ka diyaar garoobaan, laakiin maalinta ay 45-ka maalmood ee shirkaddaha lacagta Mobile-da ku dira loo qabtay wixii $100 dollar ka yar mobile-da lagu ma shuban karo, waxna lagu ma kala Iibsan karo lagumana macaamili karo”

Wasiirka Isgaadhsiinta iyo Tignoolajiyadda Somaliland Dr Cabdiwali Sheekh Cabdilaahi oo isaguna ka mida Xubnaha guddida heer qaran ee xal u helista Sicir bararka oo halka ka hadlay waxa uu beeniyey inay Xukuumaddu dagaal kula jirto ama cadaadis ku saarayso hawshan ay u xilsaaran yihiin Shirkadaha Mobile-da lacagaha ku dira waxaanu yidhi “Ujeeddada ay lacagta Moobiilada (Electric Mobile Money System) layskugu diro ay dawladdu ka leedahay waxa weeye in aynu ku isticimaalo Shilinkeena iyo in aynu dar dargelino isticimaalka lacagta shilinka ee Somaliland. Baanka dhexe ee Somaliland-na wuxuu wada sharcigii lagu kala xadaynaayey oo imika gacanta lagu hayo oo soo bixi doona maalin dhaw, waxa kale oo iyaduna soo socda nidaamkii lagu Xalilaayey Shirkadaha Isgaadhsiinta, waxa kale oo soo socda iyaduna in loo kala sameeya Xad, marka si guud taas weeye ujeeddadu, balse maaha ujeeddadu in la joojiyey lacagtii lagu isticimaalayey Mobile-ada ama shirkadihii Xawiladdaha lacagaha ee waxaynu u beddelay Shilinka, waxa kale oo aan dooneynaa xaga xawaaladaha oo xawaaladuhu haddii ay dibadda ka imanayso dee lacagtu way ku soo dhici oo ta la ma joojin, laakiin waxa la sameynayaa lacagta markay qofka dibadda looga soo diray u soo dhacdo inta uu u bedesho shilinka Somaliland uu shilinkii ku isticimaalo nolol maalmeedkiisa”

Leave a Reply