SOMCABLE

Guddiga Diwaangelinta Ururrada Siyaasadda Oo Xisbiga KULMIYE Ka Sugaya Jawaabta Dacwad Ka Dhan Ah

Berbera, 31 Jeeniweri, 2019 (Himilo) – Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Somaliland, Cabdillaahi Obokor Axmed ayaa Shalay soo kormeeray Biriijka Kala-jab ee u dhexeeya Magaalooyinka Berbera iyo Burco, kaasi oo dhawaan uu ka dhacay Shil sababay Geerida laba Qof.

Wasiirka oo ay wehelinayeen Xubno ka mid ah Hay’adda Waddooyinka Somaliland, ayaa sheegay inay bisha saddexaad ee sannadkan bilaabayaa dayactir lagu samaynayo 5 Biriij oo uu oo Kala-jab ka mid yahay, waxaanu qiray inay Dawlad ahaan ka gaabiyeen dayactirka Biriijyadaasi.

“Illaahay Samir iyo iimaan ha innaga siiyo Dadkii ku dhintay Shilkii ka dhacay Biriijka Kala-jab, markaa waxaanu jecelahay Annaga oo qirayna ka gaabinay waxaanu markiiba ka fal-celinay inaanu Biriijkan wax ka qabano, Waayo? Masuuliyaddu maaha inuu Qofku yahay Qof dhamaystiran, iyadoo Qorshuhuna yahay in shanta Biriij ee u dhexeeya Berbera iyo Burco isla mar shaqo laga wada qabto bisha saddexaad ee sannadkan, kaasi oo Mashruuca horumarinta Somaliland (SDF)..”ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Aad iyo aad ayaanu u jecelahay inaanu hawshaa sida ugu dhakhsaha badan u qabano..”

Wasiirka Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadku waxa kale oo uu sheegay in sannadkan wax la qabanayo Dooxyada Aw-barkhadle iyo Dacar-budhuq oo dhibaato ku haya Dadka reer Somaliland xilli roobaadka “Labadaa Doox waxa laga Maal-gelinayaa Mashruuca Abu Dubai Devepment Fund, markaa waxaanu rajeynaynaa in sannadkan 2019 la dhiso, haddii Allaha awoodda lihi ogolaado..”

Ugu dambayn, Masuuliyiin la socday Wasiirka oo iyaguna halkaa ka hadlay ayaa sheegay in aanay waxba ka jirin in Biriijka Kala-jab ay Dad dano gaar ahi lihi dalooliyaan, hase-ahaatee Sababta Biriijka u dalooshamaa tahay in Biriijku duugoobay, maaddaama oo uu soo taagnaa kontonkii sannadood ee u dambeeyay.

 

Himilomedia.com/Hargeisa Office

Leave a Reply