SOMCABLE

Guddidii Dhexdhexaadinta Sarkaal Caarre Iyo Xukuumadda Oo Shir Degdeg Ah Ugu Baaqay Madax Dhaqameedka Somaliland

Hargeysa, 27 August, 2019 (Himilo)-Guddida beelaha Garxajis ee ku jirtay dhexdhexaadinta jabhadda Caarre iyo xukuumadda Somaliland ayaa sheegay inay nabadayntii ay ku jireen iskaga baxeen, isla markaana dalku badbaado u baahan yahay.

Guddidan ayaa sheegay in hadalkii shalay ka soo yeedhay taliyaha guud ee Ciidammada Qaranka Somaliland Sareeye Gaas Nuux Ismaaciil Taani ay aheyd farriin ku socotay guddidii ku jirta nabadeynta gobolka Sanaag, waxaanay sheegeen inay hadalkaasi u aqoonsanayaan inuu ahaa hadal Madaxweynaha ka soo baxay.

Sidoo kale, madax dhaqameedkan ayaa ku baaqay in waxgaradka iyo madax dhaqameedka Somaliland iskugu yimaadaan si ay u badbaadiyaan Somaliland.

Suldaan Axmed Cismaan Caddo-Gudde oo ah Guddoomiyaha guddida Garxajis oo arrintaasi ka hadlaya ayaa waxa uu yidhi, “Afkii uu ku hadlay Taliyaha Ciidanka Qaranka JSL waa Afkii Madaxweynaha oo uu ku hadlay, Madaxweyneheenu marka uu sidaa u hadlo ee uu ka beydho wixii loo igmaday innana waynu ku diidnay mana aqbaleyno”. Waxaanu intaasi ku daray farriin uu u diray Ciidanka Qaranka, “Ciidanka Qarankoow dagaal Caarre iyo Beel Somaliland ah midna haku qaadina waanu idinla talinaynaaye oo gacmaha ka laabta waxa la idin amray”.

Sidoo kalena, Suldaan Cismaan Suldaan Cali Madar ayaa isaguna waxa uu yidhi, “Somalilandeey, Qoriga xabadii uun baan ka bixin, dhawaaqa halkaa ka baxay oo in badan ayaanu hadlaynay oo aanu baaqaynay oo dalka meel xun ayuu ku socdaa ee hala daba qabateeyo ayaanu ku baaqaynay waar dalka waa la wada leeyahay ee dawlad la wada leeyahay oo dalka hoggaamisa ha noqoto ayaanu laheyn, in badan ayaa Somalilandeey ka dhega adeygayseen ee maanta ayey halkii u dambeysay taagan tahay, markaa waxaan ugu baaqaya Salaadiinta iyo Waxgaradka Somaliland iyo cid kasta oo dannaynaysa in si degdeg ah shir Qaran la isugu yimaado”.

Odeyaal iyo Madax dhaqameedo kale ayaa iyaguna halkaasi ka hadlay oo si adagna u dhalliilay hadalkii Taliyaha Ciidanka Qaranka iyo eedihii u jeediyey Korneyl Caarre oo ahaa Sarkaal hore uga goostay Ciidanka Qaranka, isla markaana ka soo hor jeestay oo ku dhawaaqay Jabhad hubeysan una gudbay dhinaca Maamul Gobolleedka Soomaaliyeed ee Puntland, isagoo dagaalna kala hor yimmi Somaliland oo ay marar badan fooda is dareen Ciidanka Qaranka, balse dhawaan ayaa Sarkaalkaasi iyo Jabhadiisii ba ay dib ugu soo laabtey gudaha dalka Somaliland gaar ahaan Deegaano ka mid ah Gobolka Sanaag, sidaasi awgeed ayaa Madaxdhaqameed Reer Somaliland ahi oo ka soo jeeda Beesha Sarkaalkaasi ay goobtiisa ugu tegeen si ay u soo unkaan xal nabadeed oo la gaadho isla markaana waxay ku dhawaaqeen in heshiiskaasi uu ka aqbalay oo ay la sugayaan Madaxweynaha JSL oo xilligaasi ku maqnaa gudashada Waajibaadka Xajka haatanse dalka dib ugu soo noqday.

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

Leave a Reply